Sidee looga ciiday degmada Ceelbuur oo ay gacanta ku heyso Al-Shabaab (Sawirro)

Degaanada ay gacanta ku heyso Al-shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa si weyn looga dabaaldegay maanta munaasabada Ciidul adxaa.

Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa ka mid ah meelaha ay Al-shabaab gacanta ku heyso ee maanta sida weyn looga ciiday.

Dadweyne fara badan oo iskugu jira rag, dumar iyo caruur ayaa iskugu soo baxay fagaare ku yaalla degmadaas, halkaas ay salaada ciida ku tujiyeen masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA