SIR CULUS: Yuu si gaar ah ugu xiran Yahay Abu Mansuur Rooboow?+Shariif Xasan Oo Kashifay

Muddo Sanad ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku xiran wadaadka Mukhtaar Rooboow Cali Abu Mansuur oo laga soo qabtay magaalada Baydhabo Janaay Sanadkii hore 2018-kii.

Dawlada Soomaaliya ayaa hor istaagtay Mukhtaar Rooboow oo xilligaas utaagnaa Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dawlada waxay sheegtay in dembiyo uu galay awgeed Rooboow loo heystay.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ka hadlay Arintaas sanad kadib.

Warbaahinta qaar ayuu la hadlay Shariifka isagoo kusugan Nairobi waxaana uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu si gaar ah ugu xiran yahay Abu Mansuur Rooboow.

“Waxaa yaab ah ka hor doorashadii Koonfur Galbeed markii uu isku taagin maxaa dembigiisa loogu sheegi waayey,waa mid dembi loo siyaasadeeyey wadaadka,mana aha inuu sii xirnaado ayuu yiri Shariif Xasan”.

Waxaa socday maalmihii dambe dedaalo lagu sii deynayey Abu Mansuur sida la sheegayna waxaa hariif Xasan uu ku darsaday baaqa in Wadaadka lasii daayo maadaama xaaladiisa ay kasii dareysay muddooyinkii lasoo dhaafay.