SIR: Farmaajo oolagu la taliyay in laga gudbo P/land & J/land

Xulufada siyaasadda ee madaxweynaha muddadu ay ka dhammaatay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo jeediyay go’aan la yaab leh oo uu Farmaajo la fajacay kaasoo ku saabsan khilaafka doorashooyinka.

Xubno kamid ah xulufadani Farmaajo oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo la taliyeyaal sare oo madaxtooyada ka tirsan ayuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay arrinta madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Warqad shalay ka soo baxday xafiiska Farmaajo ayaa loogu jeediyay madaxweynayaasha Saciid Deni iyo Axmed Madoobe in ay tixgeliyaan codsigii hore ee ahaa in ay ka soo qeyb galaan shirka arrimaha doorashooyinka ee magaalada Muqdisho.

Saaxiibada Villa Somalia ayaa kula taliyay madaxweynaha muddadu ka idlaatay ee Maxamed Farmaajo in dalka uu doorasho aado, islamarkaana aan loo fadhin madaxda Puntland iyo Jubbaland oo ay tahay in go’aan laga qaato.

Kooxdani uu Farmaajo la kulmay oo u badan kuwa u dhashay beesha Daarood oo labada maamul ka soo kala jeeda ayuu ka talagaliyay go’aanka uu ka qaadanayo labadaasi madaxweyne goboleed oo ka dhaga furaystay in ay ajiibaan casuumaaddii shirkii Muqdisho ee todobaadkii hore uu ku baaqay.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu horay madaxda maamullada lagu xanto inay u dhow yihiin Villa Somalia sida Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir faray in ay abaabulaan howsha doorashooyinka oo ay billaabaan.

Sida uu qeexayo dastuurka KMG ah, haddii doorashadu ay tahay mid dadban suurtagal ma noqon karto, in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ay ka maqan yihiin qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Lama oga in go’aankaasi uu qaadan karo madaxweynaha iyo in kale, hayeeshee codsigaasi uu shalay u diray madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland weli kama aynaan soo jawaabin.