SIR LA HELAY: Madaxweyne Deni Oo Looga Yeeray Dalka Imaaraat-ka

Warar aan helnay Ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku wajahan yahay Magaalada Dubai Ee Dalka Isku Taga Imaaraat-ka Carabta.

Deni ayaa waxa Safarkiisa ku wehlin doono Xildhibaano iyo Wasiiro Katirsan Maamulkiisa,lamana sheegin xilliga uu ku wajahan yahay iyo ujeedka rasmiga ah.

Ilo muhiim ah oo katirsan Madaxtooyada Puntland Ee Garowe ayaa laga soo xigtay in uu jiro warka ah in Deni Dubi usocdaalayo ka hor shirka 15-ka bisha la qorsheeyey.

Waa dhabar jebin kale oo Madaxweyne Farmaajo lagu sameenayo maadaama la shaaciyey in Garowe shirka lagu qaban doono hadana Deni uu Iska dhego tirayo Baaqaasi.

Iskutaga Imaaraat-ka Carabta ayaa loo arkaa mid ka mid ah Dawladaha Carbeed Ee aadka udiidan dib usoo laabashada Madaxweyne Farmaajo,weliba saaxiib dhaw la ah Murashaxiinta Madaxweynaha raadinaya qaar iyo Dawlad Gobolleedka Puntland.