Siyaasadda Madasha Badbaado Qaran: Ma Cayaar Jogta Ahba Mise Waa Awood Isbeddel Curin Karta?

Xilli siyaasadda dalka ay cakiran tahay ayaa shirkii koowaad ee Madasha Badbaado Qaran (MBQ) oo ay ku bahoobeen Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Golaha Siyaasiyiinta Somaliland iyo Madaxda Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland uga furmay magaalada Muqdisho. Ilaa hadda waxaa ku lug leh siyaasiyiinta kala ah: Shariif Sheikh Axmed, Axmed Maxamed Islaan Madoobe, iyo Saciid Cabdullahi Diini  iyo Cabdi Xaashi Cabdilaahi.

Muddo siddeed bilood ah ayaa laysku mari la‘yahay sidii loo qaban lahaa doorashooyin dadban oo horey loogu heshiiyey hannaakeedi September 17, 2020. Waqtiga badidiisa wuxuu ku lumay sidii shirka  u qabsoomi lahaa, sababtoo ah waxaa la keenaa shuruuda hor leh ama sharciyada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa la duraa.

Murugada dadweynaha ay ka qabaan in doorashada aysan waqti macquul ah ku qabsoomin ayaa sii kordheysa. Wax kasta oo fududeyn kara in laga baxo siyaasadda cakiran ayaa loo arkaa daawo.

Su’asha dadweynaha amakaag ku dhalisay ayaa ah: Maxaa Haddeer Loo Abaabulay Madasha Badbaada Qaran?

Madasha Badbaado Qaran ma aha xisbi oo xubnaha dhammaan waxay ku kala jiraan xisbiyo kale ama xilal dowladeed ee kale ayay hayaan. Waa guddi sida caadada dunida ka jirta ah loo asaaso marka uu qaran burburo si qaranka loo samatabixiyo, sida midka ka jiro Libiya.

Badanaaba guddiga (National Salvation) noocan ah waa mid ballaaran (oo mucaarad iyo muxaafidba ay ka mid yihiin) oo ay ka muuqdaan saamilayda masiirka qaranka oo idil, halka kaannaga uu ka kooban yahay shan xubin oo aragti wadaaga oo ku heshiiyay inay shakhsi kale (Farmaajo) ama koox kale (muxaafidiinta) ka gacan sarreeyaan ama dibindaabiyaan.

Wa maragmaddonto in shantan ruux aysan ahayn kuwa samatabixin kara qaranka, waaba haddii ay tooda samatabixiyaan! Taasi waxay caddaynaysaa in magaca Madasha Badbaado Qaran uu yahay mid ujeeddadiisa tahay keliya marinhabaabin dadweynaha.

Madasha Badbaado Qaran ma aysan keenin qoorshe qaranka lagu badbaadiyo, balse waxay ku dhisan tahay mawqifka labada guddoomiye gobol – Puntland iyo Jubbaland – oo ay kusoo biireen Musharraxiinta Madaxtooyada qaarkood iyo Cabdi Xaashi oo isku magacaabay wakiilka siyaasiyiinta Soomaaliland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madal ama guddi cusub oo ay hor boodayaan siyaasiyiin horey loo soo tijaabiyey, waxaa lays weydiin karaa haddii ay wax kusoo kordhin karaan masraxa siyaasadda dalka xilli isbahaysiyadii ka horreyay ku fashilmeen inay xitaa mira ka dhaliyaan doorsho dadban oo ay taladeedii lahaayeen oo haddana horey laysku waafaqay.

Haseyeeshee, haddii ay niyadsami jirto, Madasha waxay wax ka beddeli kartaa labo arrimood: (1) Waxay xoojin kartaa awoodda gorgortan macquul ah; iyo (2) Waxay barxi kartaa mowqifka adag ee Saciid Cabdullahi Deni, iyo Axmed Maxamed Islaam, Madoobe.

Ma cadda cidda Madasha Badbaado Qaran dabada ka riixaysa, balse waxaa jirta aragti ku tuhmayso inaysan ajeendadooda ka fogayn tan Imaaraadka, Kenya, iyo Muuse Biixi.

Arragtidaas waxaa barbar taal mid xiiseynaysa isbahaysiga oo qabta in mucaaradku la soo baxeen hindise guulaysan kara kol haddii ay ku heshiiyeen in Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ah siyaasi ruugcadda ah uu hoggaamiyo.

Haddaba su’aashu waxay tahay, madashani ma noqon kartaa rajadii ugu dambaysay ee bahda mucaaradka ah?

Dowladda iyo bahda mucaaradkaba waxay isla oggol yihiin heshiiskii September 2020. Dhibaatada taagan waxay tahay tabaha siyaasadeed oo ay mucaaradka la soo bexeen oo ah inay oggol yihiin heshiiska (doorashada dadban) balse ay diiddan yihiin xil ku simidda (wareejinta awooda) madaxweynaha.

Sharciga xil ku simidda waxuu ku suntan yahay heshiiska doorashada dadban labadaba waxaa isku mar ansixiyay Baarlamaanka September 17, 2020. Mucaaradka waxay dhaafi la’yihiin inay mid oggol yihiin midka kalena dantooda ka dhex arki la’yihiin. Murankaas ayaa waxuu sababay hubaal la’aanta siyaasadeed oo ay ka dhalatay damac awoodeed.

Shirkii Baydhabo ee February 16, 2021 oo wax badan ka xallin lahaa qodobbada la isku hayo ayay mucaaradku diiddan yihiin in laga hadlo iyadoo aan meel la saarin amniga, taas oo u dhiganta in dalka qaranimadiisa lagu wareejiyo shisheeye.

Ma cadda, sida iyo goorta doorashada la qaban doono. Guuxa Baarlamaanka ee ah in dib loogu noqdo doorasho qof iyo cod ah ayaa qudhiisa leh cabsi hor leh. Malahaa dalka waxaa loo quminayaa dhabbaha gaynaya dagaal sokeeye. Mise waxaa la sugayaa in shisheeyaha isku kor baacsanaya dalka uu marka hore heshiiyo. Taas oo micnaheedu yahay ha la soo taabto gunta, sida Liibiya iyo Yeman.

Ugu dambayntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, inkastoo dhawr jeer uu tanaasul sameeyay, ilaa shan jeerna shir uu iclaamiyay la qaddacay, beesha caalamaka – iyadoo dabka kilkilayso – ay cadaadis xooggan saartay, haddana isagoo u turaayo qaranka iyo dadweynaha waa inuusan caalwaayid iyo niyadjab muujin mar walibana gogashiisu fidsanaata uuna wakiishaa Ras’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble siiyaana awoodda loo baaahan yahay. Waxaa lagama maarmaan ah in Farmaajo uu fahmo inuu yahay ruuxa dhaawaca ugu weyn kasoo gaarayo haddii uu fashal dhaco.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim