Somaliland oo si cajiib ah uga hadashay xilka ka qaadistii Dhoobo Daareed

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay iney ka xuntahay qaabkii xilka looga qaaday Guddoomiyihii Baarlamanka ee Puntland oo khamiistii ay codka kalsoonida kala noqdeen 49 Xildhibaan.

Wasiirka Biyaha Somaliland, Saleebaan Cali Koore, ayaa u sheegay warbaahinta iney Dhoobo-daareed u aqoonsanyihiin nin reer Somaliland ah, Soona dhaweynayaan haddii uu u imaanayo.

Talaabaddan ayaa noqotay mid lama filaan ah maadaama aanan horey looga baran maamulka Hargeysa.

Puntland oo ay ka dhaxeyso colaad taariikhi ah ayaa isku haysta gobolka Sanaag oo Dhoobo kasoo jeedo.

Tani ayaa sii xoojineysay cadaawadda labadda dhinac, inkasta oo aad u yar tahay saameynta ay yeelan karto, wallow wax kasta ay isbedeli karaan saacadaha badan ee nagu soo fool leh.