Soo laba kacleynta Shariif Xasan iyo hankiisa xilka Madaxweynaha

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur-Galeed ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddo aan lagu arag fagaarayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda u muuqda in uu mar kale soo laba kacleeyey.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo sidoo kale laba jeer soo noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka, haatanna ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran oo muddo ku dhaw laba sano aan si toosa loogu arag fadhiyada siyaasadda ayaa dhawaan ka soo muuqday warbaahinta, waxaana uu dhawaan siiyey BBC-da waraysigii ugu horreeyey ee uu muddooyinkaas bixiyo.

Shariif Xasan, oo sannadkii 1946-kii ku dhashay degmada Bardaale ee gobolka Baay, wuxuu ahaa nin ganacsade ah oo aysan dad badan aqoon u lahayn wixii ka horreeyay sannadkii 2004-tii.

Wuxuu ahaa qof saameyn aad u ballaadhan ku leh siyaasadda Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan, isagoo soo qabtay jagooyin kala duwan. xildhibaannimo, guddoomiye baarlamaan iyo Wasiir.

Waxaa jiray guulo siyaasadeed oo uu gaadhay Shariif Xasan, sidoo kalena waxaa jiray culeysyo soo food saaray iyo guul darrooyin uu kala kulmay siyaasadda.

Laakiin wuxuu ku caan baxay inuu ahaa siyaasi rogaal celis badan oo saldhigna u ahaa muranno siyaasadeed iyo khilaafyo ka dhex jiray maamulladii uu ka tirsanaa.

Maxaa soo celiyey kaddib is casilaaddiisii madaxweynaha Koonfur Galbeed?

Dedaallo siyaasadeed oo xoog leh ayuu Shariif Xasan u galay sidii uu qeyb uga noqon lahaa nidaamka federaalka Soomaaliya, isagoo xaalado adag u wajahay sidii uu ku hanan lahaa maamulka gobolka uu ka soo jeedo ee Koonfur Galbeed.

Isqabqabsi siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo iska soo hor jeeda ka dib, 17-kii bishii Nofeembar ee sannadkii 2014-kii ayaa Shariif Xasan loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Muddo ka dib waxaa soo if baxay ismariwaa siyaasadeed oo u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ka hor iscasilaaddiisii waxaa sii xoogeystay xilligaas murannadii siyaasadeed ee dowlad goboleedyada iyo xukuumadda federaalka, kaasoo marxalado kala duwan soo marayey.

Waxaa isbahaysi sameystay madaxda maamul goboleedyada oo markii dambe awooddoodu ay daciiftay.

7-dii bishii November 2018 ayuu iska casilay Shariif Xasan xilkii madaxweynaha Koonfur Galbeed, xilli ay ku soo fool lahayd doorashada madaxweynaha oo lagu ballansanaa inay dhacdo 17-ka isla bishaas

Wuxuu sheegay inuu ka hadhay doorashadaas, isagoo go’aankiisaanaa ku sifeeyey mid ka dhashay cadaadis siyaasadeed oo ka yimid faragalin uu dowladda dhexe ku eedeeyay iney ku heysay hannaankii siyaasadeed iyo doorashadii dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Tan iyo muddadaas marka laga reebo caleemo saarkii Axmed Madoobe ee dhacay 12-kii bishii ocotober ee sannadkii hore oo uu ka qayb galay, waxa uu ahaa qof aan lagu arag warbaahinta iyo fagaarayaasha kale ee siyaasadda.

Waxaana uu BBC-da oo wax ka weydiisay maqnaanshihiisii muddadaas waxa uu ku qeexay in xaalka siyaasaddu degganaa oo uusan ku kellifnayn in uu sii joogo.

“Markaas jagadii aan haayey waan ka tegey dalkuna kuma jirin loollan siyaasadeed. Markaa anigu inaan is kasoo taagnaado oo meelahaa ka hadlo macno ilama ay lahayn.” ayuu yidhi Shariif Xasan.

Waxaana uu intaasi ku daray inaannu marna siyaasadda ka bixin, isla sidoo kalena aanay sax ahayn in la yidhaahdo siyaasadda ayuu ka baxay uu ku soo noqday.

Mudaddadaa labada sano ahayd ayaa uu sheegay inuu ku kala sugnaa dalalka Kenya, Sucudiga iyo Turkiga oo uu intii badnayd joogay degaanna u ahaa inta badan.

Hankiisa siyaasadeed

Dad fara badan oo la socda Siyaasadda Soomaaliya si fiican ayaa ay u yaqaannaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, mararka qaarna waxaa la yidhaahdaa waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu xariifsan ee ku jira waayaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Markii ugu horreysay ee uu saaxada Siyaasadda Soomaaliya ku soo biiray Shariif Xasan, isla markaana ay shacabka ku baraarugeen magaciisa waxaya ahayd 15-kii bishii Sibteembar ee sannadkii 2004-tii, waxaana markaas loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya.

Wuxuu xilkaas ka qabtay dowladdii ka koobneyd xukuumadda iyo golaha baarlamaanka KMG ee lagu soo dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay dalka Kenya.

Waxaana muddooyinkaas soo qabtay xilal kala duwan oo kala ahaa xildhibaannimo, guddoomiye baarlamaan, wasiir iyo madaxweyne maamul goboleed. Waxaana uu hadda sheegay in hankiisa siyaasadeed uu yahay madaxweynennimo.

“Doorkan hankaygu waxa uu yahay in aan noqdo madaxweynaha Soomaaliya, oo baabbiiyo fikirka reerkayga laga haysto, inkasta oo ay ku xidhan tahay in la ogaado nooca doorasho ee dalku galayo”

Waxaana uu ku daray in uu hore inkastoo aanay u suurtoobin in uu yimaaddo miiska tartanka uu isku deyey inuu madaxweyne isusoo sharraxo.

“Reerkaygu guddoomiye Baarlamaan bay helaan waxaan se rabay labadaa jeer ee hore inaan marna Xiddig marna Cali Khaliif ka dhigo guddoomiyaha baarlamaanka annaa sidaa ku tartamo se iima ay suurtoobnin”

Haddii uu waayo booska madaxweynaha waxa uu falayo oo BBC-du weydiisaya ayaa uu sheegay in uu la shaqayn doono cidda la doorto, laakiin uusan dib ugu noqon doonin in uu noqdo guddoomiye baarlamaan.

“Waxaan diiddanahay fikirka ah in guddoomiyaha baarlamaanka la dhaho reerkaasaa iska leh, waxaan rabaa inaan kaa hortago oo sababtaa darteed ayaan madaxweyne u raadinayaa. Waxaanan raadin doonaa jagadaas haddii alle igu simo marka la wada yeesho ee reeraha kalena noqdaan oo xilalka la wada yeesho”.

Maxaa kale ee uu ka hadlay?

Dhanka kale waxa uu ka digay in dawladda hadda jirtaa ay ku darsato muddo dheeraad ah, isaga oo ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu dhawro dastuurkii u ku dhaartay in uu ilaalin doono.

“Doorashada annaga waxaan rabnaa in dimuqraaddiyaddii dadka Soomaaliyeed dhawaanahan ku dhaqmaayeen, ee marka doorasho soo dhawaato xilligeeda la is doorto. Waa fiicnaan lahayd doorasho qof iyo cod ah, hadda wax allaale wixii dadku isku dooran karaan la isku doorto oo aysan dhicin wax kororsiimo ah ayaan u arkaynaa annaga”

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sida oo kalena “wax aan la aqbali karin” ku tilmaamay in xilka Ra’iisul Wasaaraha aan wali la magacaabin.

“Markii uu baarlamaanka 25-kii bishii July uu kalsoonida ka qaaday Ra’iisul Wasaarihii, ama isagu uu aqbalay oo uu is casilay, ilaa maanta Ra’iisul Wasaare lama soo magacaabin, runtiina wax horay u soo dhacay ma aha. way soo dhacday in dalku uu dowlad la’aan yahay laakiin in dalkii oo Baarlamaanki uu ka jiro, madaxweynihii uu ka jiro inuu Ra’iisul Wasaare la’aan ahaado wali wax soo dhacay ma aha. In haddana la yiraahdo xukuumaddii ayaa shaqeyneysa oo wasiirradii ay maalin walba sharci soo gudbiyaan, baarlamaankuna uu ka doono waa nasiib darro,” ayuu yidhi Shariif Xasan.

XIGASHO BBCO SOMALIA