Soo saaraha Filimka muranka dhaliyay ee Kashmiir oo caro weyn muujiyay

Vidhu Vinod Chopra oo ah soo saaraha filimka cusub ee Shikara, oo laga jilay sheekooyinka ku saabsan dadka heysta diinta Hinduuga ee kas soo jeeda gobolka Kashmiir, ayaa jawaab kulul ka bixiyay dhaleeceyn loo soo jeediyay filimkiisa.

Shikara ayaa lagu soo bandhigay waxa loogu yeeray “Qisada aan la sheegin ee cuqaasha Kashmiir”.

Hase ahaatee dadka odorosa arrimahan ayaa ku eedeeyay inuu ka macaashayo dhibaatada ka taagan gobolkaas ay milkiyaddiisa isku heystaan dowladaha Hindiya iyo Pakistan.

Vidhu oo dhaliishan caro weyn ka muujiyay ayaa sheegay dadka ku eedeynaya inuu dhaqaale ku doonayo filimkaas ay yihiin “Dameero”.

“Filimka 3 Idiots, oo aan aniga soo saaray, wuxuu maalintiisii ugu horreysay ee lasii daayay soo xareeyay lacag faa’iido ah oo dhan Rs 33 crore, haddana waan ognahay filimka Shikara uu maalintii ugu horreysay soo xareeyay lacag intaas aad iyo aad uga yar oo ah 30 lakh. Iyadoo taasi ay jirto, haddana muddo 11 sano ah ayaa nooga baxday sameynta filimkan”, ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri; “Maanta waxaan dareemayaa in arrimaha ay isu baddaleen wax lagu qoslo, filimkii aan dhaqaalaha sidaas u badan ka sameeyay waxba la igama dhihin, haddana filimkan kharashka hoose ah, oo aan ka sameeyay xasuusta hooyadey ayaa la iigu eedeynayaa inaan ganacsi ka raadinayo, anigoo ka faa’iideysanaya xanuunka dadka reer Kashmiir”.

“Waxaan dareemayaa in dadku ay u maleynayaan inaan nahay Dameero, waana taas sababta aan ugu leeyahay idinku ha noqonnina dameero”., ayuu yiri.

.Lahaanshaha sawirkaHINDUSTAN TIMES

Wuxuu dadka dhaliilaha jeedinaya u sheegay inaysan ku degdegin go’aankooda.

“Marka hore filimka daawada kaddibna fikirkiinna ka dhiibta” ayuu yiri Chopra, oo booqasho ku joogay mac-had ku yaalla magaalada Mumbai, halkaasoo uu taageero uga raadinayay filimkiisa.

Shikara: Sheekada aan horay loo tabinin ee cuqaasha Kashmiir, wuxuu ku saabsan yahay barakacii baaxadda lahaa ee ay dadka heysta diinta Hinduuga uga qaxeen Kashmiir horaantii 1990-meeyadii, kaddib markii ay saameeyeen rabshadihii la socoday kacdoonka kooxaha islaamiyiinta ah.

Filimkan wuxuu ahaa mid si weyn loo saadaalin karay, maadaama soo saaraha rugcaddaaga ah uu yahay nin kasoo jeeda isla gobolkaas.

Dadka ku naqdinayay baraha bulshada qaarkood ayaa sheegayay in Chopra uusan si fiican u sheegin dhibaatadii dhabta ahayd ee ay la kulmeen dadkii barakacayay.