Soomaalida oo isha ku heysa go’aanka ICJ iyo waxa laga filan karo

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa maanta go’aaminaysa xadeynta badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ku dhawaaqaysa go’aankeeda kiiska labada dal isku hayeen muddada toddoada sano ah.

Koox garyaqaano ah oo ka kooban 15 xubood oo ay hoggaaminayso Joan Donoghue oo ah madaxweynaha maxkamadda ICJ ayaa si rasmi ah waxay u soo gudbin doonaan xukunka maxkamadda dunida ugu sarreysa, saacadda Geeska Afrika marka ay tahay 4-ta galabnimo.

Go’aanka maxkamadda ICJ ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho xiriirka labada dal iyo waliba dhulka la isku hayo oo ah dhul hodon ku ah shidaal, kaasi oo cabbirkiisku gaarayo 1160,000 oo kilomitar, oo ah saddex geesood isku-wareeg ah oo ku yaalla Badweynta Hindiya, halkaas oo loo malaynayo inay ceegaagaan gaas iyo shidaal.

Kenya ayaa horeyba u caddeysay in aanay aqbali doonin go’aanka maxkamadda ICJ iyadoo ku eedeysay maxakamadda inaysan dhexdhexaad ka ahyn dacwada kala dhaxeysa Soomaaliya, balse maxkamadda ayaa u muuqata inuusan saameyn ku yeelan mowqifka Kenya iyadoo ku dhawaaqaysa go’aanka maanta oo Talaado ah.

Dhanka Soomaaliya waxaa magaalada The Hague ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Ra’isalwasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamaed Guuleed uuna ka mid yahay xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud, sidoo kalana waxaa halkaa ku sugan kooxda qareenada ee difaacaya Soomaaliya