“Soomaalidu waa in ay ka tashato kahortagga Khatarta dhibaatada Itoobiya” Xildhibaan Sakariye.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo xubin ka ah Golaha Shacabka BFS ayaa Soomaalida ugu baaqay in ay ka tashadaan qorshe ay uga hortageyso colaadda ka taagan dalka Itoobiya si aysan u saameyn.

Arrintaan ayuu ku tilmaamay in aysan ka dhigneen abaabul uu sameynayo ama duullaan uu iclaaminayo balse keliya Soomaalidu ay ka fakireyso aayaheeda si loo muujiyo isu duubnaan & Midnimadeeda sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Sakariye oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in xitaa arrintaan haddii lagu dhaqaaqo ay fursad u tahay Dhulka Soomaalida ka maqan ee ku hoos jira Gacanta Dowladaha Itoobiya & Kenya.

Ka qaybgalka kulankaan ayuu u bandhigay in guud ahaan Soomaalida aysan dhumin fursaddaan, haddii aysan dhicin in ay isu yimaadaan Jabuuti, Soomaali Galbeed (Ismaamulka Soomaalida), Dhulka Kenya ay maamusho ee NFD & Jamhuuriyadda Sooamaliya.

“Waa in la tashadaa oo khatarta sidii la isaga muusi lahaa laga tashado, xaaladahaan oo kale marka ay dhacaan dalalka waxa ay sameeyaan qorshe sida  in culimada & dadka kale la isu keeno, Jamhuuriyadda Soomaaliya oo keliya ma ahan balse waa in aysan ka maqnaan dhulka Soomaalida ee ka maqan & Jabuuti si dhibka wadajir looga fogaado” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Haddii sidaan la sameeyo waxaa dhici karta in dhulka Soomaaliyeed uu dib usoo laabto, waa fursado ku imaan kara xornimada dhulka maqan, Bulshada oo kororto, baaxadda oo weynaato, haddii kale waxa aan ahaaneenaa Dowlad miskiin ah oo Itoobiya ka xoog badan tahay oo Kenya Gafuurka ka garaaceyso, balse lagama maarmo Guddi Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin & culimo ah oo qorshe keena”.

Dhanka kale Xildhibaan Sakariye waxa uu sheegay in aysan Soomaalidu u kala fiicneen Qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya balse midba mar ay qabaneyso xilka iyaga oo kawada siman fikirka ay ka aaminsan yihiin Soomaaliya.