Tahriibe afrikaan ah oo loo ganaaxay waddooyin uu si is-xilqaan ah u xaaqay dalka Talyaaniga

29-jir tahriibe afrikaan ah oo kasoo jeeda dalka Nigeria ayaa lacag dhan $383-dollar (€350 £309) loogu ganaaxay sababo la xiriira is-xilqaan nadaafadeed oo uu ku sameeyay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Venice ee dalkaasi Talyaaniga.

Afrikaankan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Monday ayaa nolo-maalmeed dadka ay ku tabarucayaan ka raadsan jiray nadaafaddaasi, waxaana ganaaxa kadib baraha bulshada ku caawiyay in uu arrintiisa kusoo bandhigo wiil dhallinyaro talyaani ah kaas oo dhammaan aaladaha kala duwan ee baraha bulshada internetka ku baahiyay sheekadiisa.

Dadka deegaanka uu nadiifinayay ninkan oo ku kala qeybsanaa ganaaxiisa ayaa qaar waxa ay ku dacweeyeen booliska, waxaana sidaas loogu jaray ganaaxa lacageed ee kor ku xusan.

Maalmo kabacdi arrinkiisa ayaa warbaahinta gaartay, waxaana ay arrintaasi ku kaliftay dowladdu in ay ka laabato ganaaxii lacageed ee ay u jartay.

Booliska ayaa sheegay in ay ganaaxaasi ka laabteen sababo la xiriira dhow qoys oo dadka deegaanka uu xaaqay afrikaankaasi ay lasoo xiriireen iyagoo difaacaya.

Waxay sidoo kale boolisku sheegeen in ganaaxaasi ay jareen labo nin oo shaqada boolisnimada ku cusbaa.