TOOS U DAAWO:Munaasabadda Furitaanka Kal-fadhiga 6aad ee Baarlamaanka dalka oo bilaabatey

Munaasabad lagu furayo  Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee labada Aqal , ayaa ka bilaabtey Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho,kadib Labo bil fasax ah oo ay xildhibaannadu ku maqnaayeen.

Halka ay munaasabada ka bilaabatay ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal,dad laga kala keenay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir iyo marti sharaf kale,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona furitaanka Kal-fadhiga lixaad ee baarlamaanka labada Aqal.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa goordhow gaaray hoolka munaasabada si uu  u furo kalfadiga lixaad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana la filayaa in uu madaxweynaha uu khudbadiisa kaga hadlo arrimo badan.

Sidoo kale munaasabada waxaa goobjoog ka ah Gudodomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo dhawaan soo gaaray Muqdisho, iyada oo amniga xarunta iyo waliba Magalada Muqdisho aad loo adkeeyey.

SNTV

Toos:- Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Wednesday, 9 October 2019