Wasaarada Arimaha gudaha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan uu Wasiir Mukhtaar Xuseen Afrax la qaatay Odoyaal dhaqameedyo kasoo horjeeda DG Jubbaland.
Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madax dhaqameedka & Wasiir Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ay kawada hadleen cabashada ay ka qabaan maamulka uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobollada uu dhismo ahaan ka kooban yahay DG Jubbaland, wadatashiyo dheer kadib Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya ayaa soo daabacday qoraalkaan.
“Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda cabashooyin ku aaddan sida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Jubaland. Sidoo kale waxaa ay caddeeyeeyn in aysan ku qanacsaneyn guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal ah, damaanad qaadi kara Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland” waa sida lagu yiri qoraalka.
14-kii June 2020, Warqad kasoo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha DG Jubbaland ay u aqoonsatay mid KMG ah labo sano ah, kadib markii ay muran gelisay Doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo balse arrintaas waxaa kahor yimid Axmed Madoobe.
Mas’uuliyiin kaitrsan DG Jubbaland ayaa Mustaqbal u sheegay in jawaab cad ay ka bixin doonaan faragelin ay sheegeen in Madaxda muddo xileedkoodu dhammaaday ay ku hayaan arrimaha Deegaannada maamulkaas, waxa ay Villa Somalia ku eedeeyeen in ay kala furfureyso Dowlad-Goboleedkaas oo xaalado adag loosoo maray dhismihiisa.