Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ku soo wajahan Muqdisho iyo arrinta Ikraan Tahliil oo…

Sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaa, waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaraysa kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha Amina oo u dhalatay dalka Nigeria.

Haweenayda ka socota Q/midoobay ayaa la kulmaysa dhinacyada siyaasadda Soomaalida, waxaana ay diiradda saari doontaa arrinta Ikraan Tahliil iyo sidii ay cadaalad u heli lahayd.

Imaanshaha mas’uulkan ayaa kusoo aadeysa xili wax horumar ah aan laga gaarin kulamadii xalay u socday Rooble iyo Farmaajo iyadoo arrinta kiiska Ikraan Tahliil ay noqotay waxa ugu horeeyo oo ay ku kala tageen.

Waxaa la filayaa in marka ay kulamadeeda dhamaysato ay shir jaraa’id qaban doonto, iyada oo soo bandhigi doonta wixii ay kala kulantay dhinacyada iyo ujeedkeeda la xiriirta arrinta Ikraan Tahliil oo ahayd sarkaalad ka tirsan hay’adda NISA.