Wafdiga ka socda Sacuudiga oo wali kulamo la qaadanaya Madaxda DF iyo ujeedkooda oo la ogaaday

Waxaa magaalada Muqdisho wali kulamo kawada wafdi heer sare ah oo ka socda Boqortooyada Sacuudiga waxaana ay maanta kulan la qaateen Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, kaa oo qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayay lataliye Abdusalam bin Abdullahi bin Rashud Al-Anzi.

Kulanka waxaa hor kacayay Danjire Maxamed Cali-Nuur oo soo dhoweeyay wafdiga Sacuudiga, isagoo caddeeyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay tahay dowlad walaal ah oo xiriir qotodheer oo ku sal go’an ilbaxnimo iyo dhaqan uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo ah dowlad wax wadaag istiraatiijiyadeed, waxa uu bogaadiyay taageerradeeda bani’aadannimo iyo mowqifyada heer caalami ee ay ku garab istaagto Soomaaliya.

Kulankani ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray qabanqaabada dib u furista Safaarada Sacuudiga ee Caasimada Muqdisho, iyadoo adeegyadeedana laga soo wareejinayo caasimada Kenya ee Nairobi, iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dano wadaagga ah oo ay ku jirto siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga , dhaqanka iyo waxbarashada si looga guul keeno yididiillada iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane  Abdihakim Hassan Ashkir ayaa la kulmay wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka & Iskaashiga labada dal iyo dib u furista safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya.