Waqtiyada farxadda leh ee hooyooyin xabsiyada ku jira la qaataan carruurtooda

Jadwiga Bronte oo ah sawir-qaade ayaa muddo 10 bilood ah ee sanaddii 2019, booqanaysay hooyooyiinka ku jira xabsiyada ee caruurtooda ay kula nool yihiin xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalka Moldova.

Angela oo shuminaysa wiilkeeda yar

Qoraalka sawirka,Angela oo shuminaysa wiilkeeda yar

Mashruucan, oo loogu magacdaray xusuusta wanaagsan, waxaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo xusuusaha farxadda leh ee dhexmartay hooyo iyo cunugeeda iyaga oo xabsiga ku jira.

“Waxaan rumaysanahay in sawiradda leh xusuusta wanaagsan ee u dhaxeeya hooyo iyo cunugeeda ay gacan ka geysan doonto geedi socodka is dhexgalka bulshada iyo sare u qaadidda kalsoonida iyo in gacan laga geysto in ay isu aragto hooyo masuul ah oo daryeelaysa cunigeeda ee aysana isu arkin oo kali ah qof dambiile ah,” ayay tiri.

“Waxaan rajeynayaa in aan awoodno inaan badalno sawirka dhibaatada ee noolasha xabsiga aan ku badalno mid cusub, iyada oo diiradda la saarayo xiriirka qiimaha badan ee kala dhaxeeya caruurtooda .

“Muhiimadda uu mashruucani leeyahay waxay tahay in dadka arka aysan ogaan karin in sawiradan laga qaaday gudaha xabsi.”

Waa kuwan qaar ka mid ah sawirada iyo sheekooyiinkooyiin ku saabsan 6 ka mid ah dumarka xabsiyada kula jira carruurtooda:

Alina iyo wiilkeeda Nicolae

Sawirka Alina iyo wiilkeeda

Qoraalka sawirka,Sawirka Alina iyo wiilkeeda

“Waxaan ahay qof faraxsan oo daacad ah, haddana murugeysan, mararka qaar si aan la saadaalin karin ayay xaaladeyda isu badalaysaa.

“Waxaan ahaa cunuga kali ah ee waalidiintayda ay dhaleen waxayna i siiyeen wax waliba oo ay awoodeen oo ay ka mid tahay waxbarsho wanaagsan inkastoo aanan maalqabeen ahayn,” ayay tiri Alina.

Sawir la isu geeyay oo muujinaya Alina iyo wiilkeeda

Qoraalka sawirka,Sawir la isu geeyay oo muujinaya Alina iyo wiilkeeda

“Waan xusuustaa dhammaan saaxibadii aan lahaa.

“Ma hilmaami doono sidii aan u kaftami jirnay.

“Waxaan ka shaqeyn jiray warshad sameysa kabaha, halkaas oo aan sidoo kale kula kulmay jaceylkeygii ugu horeeyay.

“Balse waqtiga ayaa dhammaaday, noolashaydana way isbadashay, waxaana qaaday waddada ii horseeday in muddo sannado ah aan xabsiga ku jiro.

“Balse mar walba waxaan ahaa qof bina’aadam ah walina waan ahay.

“Waxaan la kumay nin noqday seygeyda waxaana qaaday uur, oo waxaan dhalay wiil dhmeystiray farxadeyda.

Album sawiro ah oo muujinaya Alina iyo wiilkeeda

Qoraalka sawirka,Album sawiro ah oo muujinaya Alina iyo wiilkeeda

“Hadda wiilkeyga aabihii wuuxuu leeyahay qoys kale iyo noolal kale.

“Balse waxaan ku faraxsanahay wiilkeyga oo hadda sanad iyo bar jira.

“Rejadeyda waxay tahay in aan halkan ka baxo aniga oo sita wiilkeyga, sida ugu dhaqsiyaha badanna aana noolal cusub ka soo billaabo meel eber ah.”

A polaroid photo of Alina and her son

Qoraalka sawirka,Sawirka Alina oo wiilkeeda shuminaysa

Anna iyo gabadheeda Sonia

A polaroid photo of Ana and her daughter

“Waxaan ahay hooyo dhashay 4 caruur ah, waxaanna ahay qof adag oo aanan quusan.

“Waxaan jecelahay shaqada iyo inaan dhageysto heesaha iyo daawashada filimada,” ayay tiri.

“Nasiib daro waalidiinteyda labaduba way dhinteen walaalahey xiriir wanaagsan lama lihi lamana hadlo.

“Xusuusteyda ugu wanaagsan waa midda aan la joogay waalidiinteyda.

“Xusuustan way igu sii baaqi ahaan doontaa illaa aan ka dhinto.

A polaroid photo of Ana and her daughter

Qoraalka sawirka,Sawirka iyo gabdheeda

“Waxaan guursaday 10 sano ka hor, marka aan si daacad ah u hadlo, ninkan ma mudna in magaciisa aan halkan ka sheego.

“Waxaan kale tagnay muddo dheer ka hor, waxaana u dhalay labo will iyo gabadh.

Elena iyo wiilkeeda Vaniusha

Sawirka Elena iyo wiilkeeda yar

Qoraalka sawirka,Sawirka Elena iyo wiilkeeda yar

“Hooyadey waxay dhimatay markii aan saddex sano jirka ahaa, waxaana ka mid ahaa afar caruur ah. Gabadha iga wayn iyo wiil waxaa dhalay aabe kale oo u kaxeeyay dalka Kazakhstan.

“Aniga iyo walaashey iga yar waxaan la nooleyn abtigeen.

“Muddo ka dib waxaa la i geeyay goobta lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah.

Sawiro la isu geeyay oo ah Elena iyo wiilkeeda

Qoraalka sawirka,Sawiro la isu geeyay oo ah Elena iyo wiilkeeda

“Waa faraxsanaa markaan iskuulka ku biirayay, waxan bartay saaxibo badan.

“Wakhtigeyga ugu quruxda badnaa wuxuu ahaa markii aan jiray 9 sano, markii aan u dabaaldagayay wuxuu maclinkayga ii keenay hadiyad.

“Aabaha dhalay cunugeyga wuxuu ahaa nin aan aad u jcelaa, waxaana la geliyay xabsi oo aan ku booqan jiray.

Elena's son being fed

“Waxaan ahaa qof firfircoon oo jecel daawashada ruwaayadaha, waxaanna sidoo kale jeclahay wax akhrinta.

Liudmila iyo wiilkeeda Lulian

A polaroid photo of Liudmila and her baby

“Waxaan la koray waalidiinteyda illaa aan ka gaaray 19 sano.

“Ka dib hooyo iyo aabe ayaa kala tagay, aabahey wuu igu qaylin jiray wuuna i garaaci jiray.

“Xiriir wanaagsan ayaan la lahaa hooyadeyd iyo walaashey.

Liudmila

Qoraalka sawirka,Liudmila

“Waan jecelaa iskuulka, balse xiisadaha qaar ma aanan jeclayn.

Album muujinaya Liudmila iyo wiilkeeda

Qoraalka sawirka,Album muujinaya Liudmila iyo wiilkeeda

“Waxaan lahaa saaxibo wanaagsan markii aan caruurta ahaa iyo markii aan dhalinyarada ahaaba.

“Markii aan jira 20 sano waxaan jeclaaday Lulian, ma anan helin waxbarsho jaamacadeed.

Angela iyo gabadheeda Aniutka

Angela oo haysa cunugeeda

Qoraalka sawirka,Angela oo haysa cunugeeda

“Tan iyo markii aan laba sano jirka ahaa waxaan la noolaa aabahey, iyo wiil ila dhashay, balse markii uu jiray labo sano waxa kaxeysatay hooyo.

“Xilligaaillaa iyo hadda lama aanan hadlin, aabahey wuxuu ahaa saaxibkey ugu wanaagsan muddo sanado ah.

A composite image showing the profile of Angela with a patterned baby blanket over the top

Qoraalka sawirka,A composite image of Angela and her daughter’s baby blanket

“Inkastoo aan la soo koray aabahey, waxaan helay waxbarsho wanaagsan.

“Xusuusteyda ugu wanaagsan waxay ahayd markii aabahey uu dhalasho ii dhigay laguna casuumay ardeyda aan isku fasalka ahayn.

“Xusuusteydii ugu xumeyd waxay ahayd markii ay hooyo naga tagtay, ma aanan ogayn waxa uu jaceylka hooyo yahay.

Sawir gacmeed ay sameysay Angela kaasi oo muujinaya hooyo iyo cunugeeda

Qoraalka sawirka,Sawir gacmeed ay sameysay Angela kaasi oo muujinaya hooyo iyo cunugeeda

Album muujinaya wiilka Angela

Qoraalka sawirka,Album muujinaya wiilka Angela

Ratha iyo wiilkeeda Nicolae
Ratha and her baby

Qoraalka sawirka,Ratha iyo wiilkeeda

“Waxan haystaa labo wiil, waxay ii yihiin sida labo dheyman, aad ayaan ugu faraxsanahay in alle uu i siiyay keydkan quruxda badan.

“Markii aan korayay, qoyskeyga wuxuu ka koobnaa 5 qof, waxaana markii dambe dhimatay walaashey.

“Tan iyo wakhtigaasi, qoyskeyda wax ayaa iska badalay, waxaan noqonay dad aan is aqoon, waalidiinteyda way kala tageen,” ayay tiri Ratha.

Sawirka Ratha

Qoraalka sawirka,Sawirka Ratha

“Waan jeclaa inaan iskuul aado, balse casharada qaar kama qeyb gali jirin sababtoo ah ma aanan jecleyn maadooyiinka qaar.

Sawir gacmeed muujinaya hooyo iyo cunugeeda

Qoraalka sawirka,Sawir gacmeed muujinaya hooyo iyo cunugeeda

“Xusuusteyda ugu wanaagsan waxay ahayd saaxibkey, Vasile, oo aan mar walba is la joogi jirnay.

“Wuu i daryeeli jiray wuxuuna ii keeni jiray hadyado lama filaan ah oo aan ilaa iyo maanta haysto, wuxuu ahaa saaxibkaygii ugu wanaagsanaa.

“Aad ayaan u jeclaa sababtoo ah wuxuu ahaa mid mar walba ila jooga, wuuna i daryeeli jiray.

“Xusuusteyda ugu xun waxay ahayd mid i soo martay carruurnimadii oo eedo way i garaaci jirtay maalin kastana illaa aan 16 sano ka soo gaaray.

Ratha iyo cunugeed

Qoraalka sawirka,Ratha iyo cunugeed

“Waan u dulqaadan waayay ugu dambeyntiina waan ka cararay, waxaan aaday gobol kale oo aan shaqo ka bilaabay.

“Wax walba way wanaagsanaayeen ilaa xaaladu is badashay oo dhibaato ay dhacdo taa oo aan ku muteystay xabsi.

Ratha iyo wiilkeeda

Qoraalka sawirka,Ratha iyo wiilkeeda

Gabadhan Sawir-qaadaha ah ee lagu magacaabo Jadwiga Bronte ayaa sidoo kale la shaqeysay hooyooyiin kale iyo caruurtooda.

Waa kuwan qaar ka mid ah sawiradii kale ee ay qaaday

Sawirka Alla iyo Ekaterina

Qoraalka sawirka,Sawirka Alla iyo Ekaterina

Anna iyo gabadheeda Valeria

Qoraalka sawirka,Anna iyo gabadheeda Valeria

Ira iyo wiilkeeda Nikita

Qoraalka sawirka,Ira iyo wiilkeeda Nikita

Victoria iyo gabadheeda Vladiana
Qoraalka sawirka,Victoria iyo gabadheeda Vladiana

Victoria iyo Vladiana

Qoraalka sawirka,Victoria iyo Vladiana