War aad looga naxo oo kusoo kordhay caafimaadka Aktarka Amitabh Bachchan ee Soomaalida utaqaano (Cali dheere) 

Qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn Hindiya, sida wargeyska Hindustan Times iyo telefishinka NDTV, ayaa wax ka qoray warar ku saabsan xaaladda caafimaad ee Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Amitabh Bachchan, oo ay Soomaalidu u taqaanno (Cali Dheere).

Mr Bachchan ayaa Isbitaalka Nanavati ee magaalada Mumbai u tagay baaritaankiisii caafimaad ee wareegtada ahaa, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Isbitaalkaas.

Wakiilka Isbitaalka oo la hadlayay wargeyska Hindustan Times ayaa sidoo kale sheegay in sida la filayo dhawaan jilaaga laga saari doono halkaas.

“Mr Bachchan wuxuu u yimid baaritaankii caafimaad ee wareegtada ahaa, wuxuuna halkan joogay ilaa maalintii Talaadada”, ayuu yiri.

Galinkii hore ee maanta waxaa soo baxayay warar sheegayay in Amitabh aysan xaaladdiisa caafimaad wanaagsaneyn oo isbitaalkana loo dhigay si loo daweeyo.

Sida lagu xusay war uu shaaciyay wargeyska Times of India, Atooraha waxaa isbitaalka loola cararay saacaddu markii ay ahayd 2am habeenimo, waabariga ka hor, ka dib markii xanuun dhinaca beerka ah uu kusoo booday

.Lahaanshaha sawirkaTHE INDIAN EXPRESS
Image captionAmitabh Bachchan wuxuu ka mid yahay jileyaasha ugu caansan Hindiya, muddada dheerna kusoo jiray jilista filimada

Waxaa lagu soo warramay in lagu daweynayay qol khaas ah, oo la mid ah sida kan la geeyo dadka ay xaaladdoodu aadka u liidato ee loo yaqaanno ICU.

Ma jirin cid loo oggolaa inay halkaas gasho, marka laga reebo xubnaha ugu dhow qoyskiisa, sida lagu sheegay warbixintaas.

Dhinaca kale, Amitabh ayaa bartiisa Twitterka soo dhigayay qoraallo iyo sawirro xiriir ah. Mid ka mid ah wuxuu kusoo daabacay sawirka xaaskiisa, isagoo ugu hambalyeynaya dabaaldagga munaasabad sannadle ah oo dalkaas laga xuso.

Amitabh wuxuu muddo dheer la daalaa dhacayaa xanuun uu ka qabo beerka ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhacay cagaarshoyga noociisa loo yaqaanno Hepatitis B, xilli uu shil galay isagoo filim jilaya.

Tan iyo xilligaas nabarrada ku abuurmay beerkiisa wuxuu ku waayay 75% ka mid ah xubintiisa beerka.

Wargeyska Hindustan Times ayaa mar soo xigtay isagoo dhahaya: “Cagaarshowga Hepatitis B ayaa iigu yimid si lama filaan ah. Ka dib markii aan shil galay anigoo jilitaan sameynaya, waxaa dhiig ii shubay 200 oo ruux, waxaana la igu shubay ilaa 20 dhalo oo dhiig ah”.

.Lahaanshaha sawirkaHINDUSTAN TIMES
Image captionAmitabh oo salaamaya qaar ka mid ah taageerayaashiisa

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Mid ka mid ah dadkii dhiigga ii shubay ayaa qabay jeermiska cagaarshoygaas, dhiiggiisii ayaana la igu shubay. Si fiican ayuu beerkeyga u shaqeynayay ilaa sanadkii 2000, markaas oo ahayd ku dhawaad 18 sano ka dib markii uu shilka dhacay. Anigoo baaritaan caafimaad oo wareegto ah la igu sameynayo ayaa mar qura la igu wargaliyay in beerkeyga uu jirranyahay, waxaana iga go’day 75%”.

Amitabh wuxuu 11-kii bishan October u dabaaldagay sanad guurada dhalashadiisa ee 77-aad, isagoo markaas la kulmay taageerayaal badan oo u rajeeyay cimri dheer.

Wuxuu hadda ku mashquulsanyahay jilista dhowr filim oo ay ka mid yihiin Jhund, Brahmastra iyo Sitabo Gulabo.