War aad u farxad gelin doono boqortooyada Sacuudiga oo kasoo baxay qoyskii Jamaal Khashoggi

Wiil uu dhalay saxafagii la dilay ee Sucuudiga u dhashay Jamaal Khashoggi ayaa sheegay inay cafiyeen dadkii ka dambeeyay dilka aabihiis.

Saalax oo ku nool magaalada Jiddah, wuxuu barta Twitter-ka kusoo qoray sidatan ” Xilli lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan….Haddii aan nahay wiilasha Jamal Khashoggi waxaan shaaca ka qaadeynaa in aan cafinnay kuwo dilay aabaheena si ilaahey uu abaal marin inoogu baddalo”Saalax Khashoggi (Bidix) oo la kulmay Maxamed Bin Salmaan kaddib dilkii aabihiis

Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul .

Sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan.