War farxad u ah Umadda Soomaaliya Oo Caawa La shaaciyey

Waxay aheyd war farxad u ah Soomaaliya markii  Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka Ee FIFA ku dhawaaqeen In Muqdisho Stadium u Aqoonsadeen Garoon Caalami ah.

Tuulada ciyaaraha Muqdisho ayaa labo sano kudhawaad ka socdeen dib udayactir,iyadoo loo kaamil yeelay garoonka ilkaaniyaat-kii loo baahnaa.

In ay Fifa shaacisey arintaan farxada leh waxay Ka Dhigan tahay in Lagu Qaban Karo Tartamada Muqdisho Stadium mid ciyaaraha Caalamiga ah.

Sii Hayaha Wasiirka Ciyaaraha Dalka khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin in dib loo aqoonsaday Garoonka Isbartiibada Muqdisho.