Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo Muqdisho ka socda & Ciidanka DF oo..

Dagaalka oo sida la sheegay u dahxeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ka socdaa Xaafadda Buundooyinka ee Degmada Waaberi, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay dagaalka labada Ciidan, waxaana wararka horudhaca ah ee la helay ay sheegayaan in dagaalka u dhaxeeya Ciidamada ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya uu ku  dhintay hal Askari mid kalena uu ku dhaawacmay.

Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, sida ay Badweytims u sheegeen Goobjoogayaal ku sugan halak uu dagaalka ku dhexmarayo labada Ciidan.

Goobta dagaalka uu ka dhacay oo ah marin saxmad badan ayaa adeegsaday gaadiidka isaga kala goosha degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa soo aada degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.