Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Hotel Decale & Rooble oo Ku biiray

Waxaa socota qaban qaabada kulanka Qadada ee Hotelka Decale ku yeelanayaan Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, waxaa hotelka gaaray Ilaalada iyo xubnaha Hab maamuuska dhinacyada ku kulmaya Hotelka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goordhow gaaray Hotelka Decale, iyadoo la sugayo Musharaxiinta oo la sheegay inay Hotelka Jazeera ku hormari doonaan oo wadajir uga soo bixi doonaan.

Shirkan ayaa ah mid muhiim u ah geedi socodka nabada ee dalka Soomaaliya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay la isku mari la’aa hannaanka doorashada iyo weliba banaanbaxyada ay ku baaqeen Midowga Musharaxiinta.

Kala soco Badweytims  wararkii ugu dambeeyay ee shirka Hotel Decale.