Wararkii ugu dambeeyay Professor Jawaari oo loo diiday inuu tartamo

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la xaqiijiyay in uu ka soo baxay Baydhabo kadib markii loo diiday in uu ka qaybgalo tartanka doorashada kursiga uu ku fadhiyo oo todobaadkaan ka dhici doonto Baydhabo.

Ilo wareedyo xilkas ayaa xaqiijiyay MW Laftagareen uu cadaadis saaray Prof Jawaari, waxaana loo diiday in loo diwaan geliyo tartanka doorashada.

Markii uu soo gaaro Muqdisho ayaa la filayaa in uu warbaahinta la hadlo islamarkaana uu faah faahin ka bixiyo culeeska la saaray.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa u muuqata mid uu muran badan hareeyay iyadoo ay xusid mudantahay in sida ay kusocoto aad loo saluugay.