Wararkii ugu dambeeyey Dagaalka Ka dhacay Kismaayo & Xaalada Caawa Jirta

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro intaa kabadana way ku dhaawacmeen kadib markii saaka iyo xalay iska hor’imaadyo ka dhaceen duleedka magaalada Kismaayo kuwaas oo dhexmaray miliishiyo beeleedyo wada dagan halkaasi.

Maxamad Cabdi Madoobe oo gudoomiye u ah guddi culimo ah oo muddaba ku dhex jiray xallinta khilaafka beelahan ayaa sheegay in colaaddan sannadka ka hor ay bilaabatay balse ay xaaladda dejiyeen, haatan ay dib usoo labo kacleysay.

Wuxuu sidoo kale sheegaay inay wadaan dadaallo lagu heshiisiinayo beelaha si loo joojiyo dagaalka.

Illaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dagaallada saaka iyo xalay ka dhacay deegaanka Jiiroole oo ku dhaw Unguuma oo ah duleedka magaalada Kismaayo, waxayse dabo joogaan dagaalo horey labadan miliishiyo beeleed dhexmaray dhawrkii sano ee la soo dhaafay.