Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare ee ka dhaceysa Jowhar

Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa saaka ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceysa magaaladaas oo sidoo kale xarun u ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Illaa 27 musharax ayaa ku loolamaya doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare, kuwaas oo ku tartamaya sideeda kursi ee maamulkaasi uu ku leeyahay Golaha Aqalka Sare.

Musharixiinta ayaa xalay kulamadii ugu dambeeyey la qaatay xildhibaanada golaha wakiilada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyaga oo kala hadlay arrimaha doorashada.

Guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa dhinaca kale xusay in kaliya maanta la qabanayo doorashada saddex kursi oo ka mid ah sideeda kursi ee taalla magaalada Jowhar.

Dhammaan musharixiinta tartameysa ayaa shalay khudbado ka jeediyey xarunta baarlamaanka ee HirShabelle, iyaga oo ka hadlay taariikhdooda iyo waxqabadkooda.

Doorashada HirShabelle ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana musharixiinta ay u tartami doonaan si daah-furan, iyadoo halkii kursi ay u sharraxan yihiin laba ugu badnaana lix.