Warqado Lagu Daadiyey Degmada Diinsoor Oo Cabsi Dadka Ku Abuureen [SAWIRRO]

Sida ay Warbaahinta madaxa banaan Usheegeen Dad kusugan Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay waxaa xalay lagu daadiyey Warqado aanla ogeyn cida soo daabacday.

Waxa ku qornaa Warqadahaasi oo lagu dhejiyey sawirka Amiirka Mareykanka udhashay Ee Al Shabaab sanadaha ka bar bar dagaalama laguna magacaabo Jehad Serwan Mostafa.

Dadka ayaa la weydiiyey inay soo sheegaan meesha ay ku arkaan ama xogtiisa kadibna 5 Milyan Dollar Abaal marin ahaan loo siin doono.

Warqadahaas waxaa ku qornaa Af Soomaali,iyadoo Qeybta Dambe Lambaro lagu qoray ah inay dadka arka Ninkaan lasoo xiriiraan.

Lama garanayo Cida daadisey Warqadahaan,mana jirto war kasoo baxay Laamaha Amniga Gobolka Bay iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Ee Kusugan Gobolkaasi.

Hore ayey Mareykanka ugu dul xukumeen ninkaan in qofkii soo sheega macluumaad ku saabsan la siin doono Lacag Shan Milyan Dollar Ah.