Wasiir Bayle: Shirka maanta furmaya waxaa lagu qiimeynaya Amniga & maalgelinta Dalka.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah kuna beegan 24-ka janaayo 2021 ka furmaya Shirweyne ay ka qaybgalayaan Hay’ado & wakiilo kala duwan kaas oo lagu qiimeynayo Ammaanka Dalka & Maalgelinta lagu sameeyo.

Wasiirka maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si hordhac ah uga hadlay shirkaan ayaa sheegay in muddadii 4-ta sano ee Dowladda Federaalka shaqada ay heysay si gaar ah qorshaha deyn cafinta, Khatarta dadka Soomaaliya lacagta soo gelinayo & habka loo maamulo dhaqaalaha kaalmada u badan.

Qiimeyntaan ayuu sheegay in ay sal u tahay warbixinta guud ee lasoo bandhigayo saddex sano kadib 2024-ka, balse guud ahaan ahaan Dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay ka qaybgalaan qorshaha bog wanaagsan loogu qori lahaa Dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Muqdisho waxaa ka furmaya 24-ka Janaayo 2021 Shir lagu qiimeynayo waxyaabo badan oo is garab socday sida Amniga, Deyn Cafinta, lacagaha maalgelinta & Kaalmada meelaha ay ka baxeen, waana qiimeyn kasoo baxeysa laguna ogaanayo sida loo ogaado qof waliba oo lacag dalkeena keena sida uu u qiyaasan karo khataraha horyaalla waana horudhaca Warbixinta soo baxeysa saddex sanno kadib 2024” Sidaasi waxaa yiri Wasiir Bayle.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sheegay in aysan keliya ku koobneen howshaan Wasaaraddiisa, balse guud ahaan Dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay soo bandhigaan Warbixin ka tarjumeysa Mustaqbalka Dalka.

Soomaaliya ayuu sheegay Wasiir Bayle in qiimeyntaas lagu siinayo dhibcooyin Boqolley ah sida Ardayda Imtixaanaad gasha loo siiyo derajooyinka kala duwan ee ku xusan buundooyinka uu keensado sida uu hadalka u dhigay.

“Arrintaan keliya Wasaaraddeeda kuma koobna waa mid guud ahaan Dalka ah, Dhaqaalaha Ganacsatada ee la geliyo Beeraha & meelaha loo baahan yahay khatar intee la eg ay martaa, sida ay u shaqeeyaan Bangiyada, Xawaaladaha, dabagalka lacagaha qariban, habka loo maxkamadeeyo, waxaana dhammaan lagu qiimeynayaa Boqolley ahaan sida carruurta iskuullada dhiga derajooyinka loo siiyo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Bayle.