Wasiir ka tirsan Somaliland iyo ilaaladiisa oo laga helay Coronavirus

Wasiirka Wafaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta maamulka Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa shaaciyey in maanta laga helay cudurka faafa ee Coronavirus, kadib baaris caafimaad oo lagu sameeyey.

Wasiir Koore oo warbaahinta ugu warramay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in markii hore uu isku arkay madax xanuun, qandho fara badan iyo daal, kadibna lagu sameeyay baaritaan, sidaasina looga helay cudurka safmareenka ah ee Covid-19.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu is Karantiilay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sidoo kale xusay in qaar ka mid ah ilaaladiisa laga helay xanuunka, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Laacsaanood ee gobolka Sool

Waxa kale oo uu ugu baaqay bulshada inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo faafista cudurka.

Coronavirus ayaa markale ku soo laba kacleey Somaliland, iyadoo ay wasaarada caafimaadka ay waddo dadaallo looga hortago sii fidista cudurkaasi.