Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark oo ka carooday su’aal laga waydiiyey kulankii Kheyre

Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark, oo 6-dii November, Muqdisho kula kulmay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka carooday su’aal ay saxaafadda ka waydiisay kulankaas.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo maanta booqasho ku yimid dalka ayaa yeeshay kulan looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib-u-kabashada dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee labada dowladood.

Jeppe Sebastian Kofod ayaa ka carooday su’aal ay saxaafadda ka waydiisay kulanka uu Kheyre la qaatay kadib shir jaraa’id oo ku saabsanaa kulan uu la qaatay dhigiisa dalka Jarmalka  Heiko Mass.

Wasiirka ayaa wax laga waydiiyey lacagaha ay saxaafadda sheegtay inay Denmark Ra’isulwasaare Kheyre u balanqaaday taageero badan oo malaayiin Doollar-ka Mareykanka ah.

Mid kamid ah wariyeyaashii kulan warbaahineedkaas kasoo qeybgalay ayaa waydiiyey wasiir su’aal aheyd “faa’iidada ugu jirta Denmark marka ay malaayiin Doollar-ka Mareykanka ah siiso Soomaaliya”.

Wasiirka ayaa caad uga carooday Su’aashaas, wuxuuna ku jawaabay “Waxaan uga qeybqaadaneynaa xasiloonida Soomaaliya. Mawduuca faa’iidada ma ahan shaqadeyda in aan ka hadlo. Ma ahan haa”.

Inkasta oo cadadka guud daaha looga qaadey, war-saxaafadeedka laga soo saarey socdaalka wasiirka, laguma fahfaahin waxa ay Denmark ku bedelayso lacagta.

“Wasiir Arrima Dibadeed ahaan, waxaan xaqiijin karaa in ay naga go’an tahay in dadka aan u abuurno jawi nabadeed iyo in aan ka difaacno Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee qalalaasaha wadda,” ayuu hadalkiisu ku daray.

Saxafiga ayaa mar kale waydiiyey : “Waxaad leedahay shaqadeyda ma ahan in aan ka hadlo, balse waad tagtay adigoo mas’uul sarre ah waxaadna bixisay malaayiin Doollar. Miyey jiraan is-dhaafsi gudaha ah?

Wasiirka ayaa ku jawaabay: “Mashruuca aan ka hadlayo waa xasilinta iyo tababarida hay’addaha dowliga ee Soomaaliya, in aan ka caawino la dagaalanka shufta badeeda, iyo fulinta [danaheena] gudaha Soomaaliya”.

Bishii October ee sannadkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay magaalada Washington ku yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.