Wax badan ka Ogow Awoodaha Maxkamada Caalamiga ICJ iyo hanaankeeda shaqo

Maxkamadda Caddaaladda Aduunka (ICJ) oo mararka qaarkood loogu yeero Maxkamadda Adduunka, waa mid ka mid ah lixda qaybood ee ugu waaweyn ee Qaramada Midoobay (UN). Waxay xallisaa khilaafaadka u dhexeeya dowladaha waxayna talo sharciyeed ka bixisaa arrimaha sharuucda caalamiga ah iyada oo u gudbisa Qaramada Midoobay (UN). Fikradaheeda iyo xukunadeeda waa isha lagala soo baxo sharuucda caalamiga ah (Sources of international law).

Maxakamadda Cadaaladda Aduunka (ICJ) waxa ay bedeshay Maxkamaddi lagu magacaabi jiray Maxkamadda Joogtada ah ee Cadaaladda Aduunka (PCIJ) taasi oo lagu aasaasay 1900 waxxaanay howlgashay 1902. PCIJ waxaa la horkeenay kiisas dhowr oo heer caalami ah oo ay xal ka gaadhay balse waxaa ku yimi hoos u dhaco howlaheeda sababo la xiriira xiisadaha caalamiga ah ee sii kordhayay, go’doominadii dunida soo maray iyo soo jeedino ka imaanayay qaar kimid ah dalalka dunida taasi oo ugu danbeyn lagu go’aamiyay in hanaanki shaqo ee PCIJ wax ka badal lagu sameeyo laguna bedelo Maxakamidda Cadaaladda Adduunka (ICJ) taasi oo lagu aasaasay magaalada San Francisco Juun 26, 1945.

ICJ waxay leedahay gole ka kooban 15 garsoore oo ay soo doortaan Golaha Guud (General Assembly) iyo Golaha Amaanka (Security Council) waxaanay leeyihiin garsoorayaasha muddo xileed sagaal sano ah. Maxkamaddu waxay ku taalaa Qasriga Nabadda ee ku yaal Magaalada Hague ee dalka Netherlands, taasoo ka dhigaysa hay’adda kaliya ee Qaramada Midoobay oo aan ku oolin Magaalada New York. Afafka rasmiga ah ee shaqada maxkamadda waa Ingiriis iyo Faransiis. Kiiskii ugu horreeyay waxaa loo soo gudbiyey bishii Meey 1947. Waxuuna quseysayay dhacdooyin ka dhacay Corfu Channel waxaana keenay Boqortooyada Ingiriiska wuxuuna ka dhan ahaa Albania.

Marka aanu eegno awoodah fulinta ee ICJ sida uu qabo qodobka 94-aad ee sharciga ICJ waxa uu qeexayaa in ay waajib ku tahay dhamaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay (UN) in ay u hogaansamaan go’aanada maxakamadda ee iyaga quseeya. Haddii dhinacyadu aysan u hogaansamin go’aanada, waxaa arinta la hoosgeynayaa Golaha Amaanka (Security Counsel) si loo dhaqangeliyo balse dhibaatooyin muuqda ayaa ka jira hirgelinta Golaha Amaanka. Haddii xukunka ka soo horjeedo mid ka mid ah shanta xubnood ee joogtada ka ah Golaha Amaanka ama xulafadiisa, waa ay adagtay hirgrlinta xukanka, tusaale ahaan kiiskii Nikaragua (Nicaragua), markii Nicaragua keentay arrinta ku saabsan adeecid la’aanta Mareykanka ee go’aanka maxkamadda Golaha Amaanka hortiisa. Haddiiba u golaha amaanka meel marin waayay kiisas horay loo horgeeyay waxa ay arintaa sababeysaa in aan la qasbi kareyn dalalka kale si uu u fulo xukunka maxkamadda cadaaladda aduunka (ICJ), inkasta oo Cutubka 7aad ee Axdiga Qaramada Midoobay qeexayo in si qasab ah lagu meelmarinayo xukunka maxkamadda haddii ay muuqato in nabadda iyo nabadgeliyada dunidu qatar galeyso inkasto oo uusan Golaha Amaanka wali horay u sameyn.

ICJ waxaa la siiyay awood ay ku sameysato xeerarkeeda. Qaabka maxakamadda waxaa lagu qeexay xeerka Maxkamadda ee soo baxay 1978 kaasi oo wax kabedel lagu sameeyay 29kii Sebtember 2005. Kiisaska la horkeeno maxkamadda waxaa la mariyaa jaangooyin iyo habraac qeexan kaasi oo ka bilaabanaya in jihada dacwada gudbineysa ay soo godbisa gal ay ku codsaneyso dacwadeeda kuna qeexeyso mudnaanta sheegashadeeda, intaa kadib waxaa la sugayaa intaa kadib in kiiska uu u gudbo jihada jawaabeysa si ay u aqbasho in kiisku maxkamadu furto. Haddii jihadda ka jawaabeysa dacwada ay la timaado diidmo waa in ay la timaadaa diidmo hordhac ah, diidmo kasto oo nuucan oo kala ah waxaa ka dhalaneysa in maxkamaddu soo gudbiso mudnaanta codsiga codsadaha inta badana waxaa la sameeyaa dhageyso dadweyne (Public hearing) marka diidmada horudhaca ah la sameynayo. Waxaa halkaa lagu cadeeyaa in maxkamaddu xaq u yeelan karto dhageysiga kiiska iyo in kale amaba kiisku yahay muran la aqbali karo.

Diidmo ayay u dhigmeysaa haddii dhammaan dhinacyada lama huraanka u ah dhageysiga dacwadda aanay maxkamadda horteeda joogin, sidaa awgeed maxkamaddu ma gudbin kareyso xukunka haddii ay u muuqato in dhinaca dacwada ka maqan aanu aqbaleyn xukunka maxkamadda isaga oo goobta dacwadda ka maqan haddii xukun la soo saaro.

Maxkamaddu waxay awood u leedahay inay dhexdhexaadiso keliya muranada haddii Dowladaha ay khusayso waafaqaan mid ama in ka badan siyaabahan soo socda ah:

  • Heshiis ay ku mideysanyihiin iskuna waafaqaan dowladaha muranku ka dhaxeeyo in ay u gudbinayaan khilaafka maxkamada.
  • Marka dowladuhu galaan heshiis oo uu yimaado khilaaf ku aadan heshiiskaasi ama is-afgaranwaa xagga tarjumaadda ama fulinta heshiiska, mid ka mid ah ayaa u gudbin kara Khilaafa maxkamada.

Dowladduhu kuma laha wakiilo rasmi ah oo loo aqoonsan yahay Maxkamadda. Waxay sida caadiga ah la xiriiraan Diiwaan hayaha iyaga oo u sii maraya Wasiirka Arimaha Dibadda ama Safiirkooda u fadhiya Nederland. Dacwada maxkamada horteedana waxaa ku matalaya ka ah wakiil.

Hadaba kiiska muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee socda muddada 6 sanadood ah lana qorsheynayay dhageysigiisa 8 iyo 12 Juun 2020 ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira saameynta cudurka safmarka ah ee COVID 19, iyada oo Kenya ku andacootay in musiibada cudurka ay saameyn ku yeelatay miisaaniyaddi iyo dakhligi ay ugu talagashay kiiska dacwadda muranka badda halka dowladda Soomaaliya ay soo dalbatay in dhageysiga dacwada loo isticmaalo dhanka tiknoolajiyada casriga ah balse qiilka ay Kenya la timi oo ah in dakhligii iyo miisaaniyaddi dacwada in aanay faraha ugu jirin ayaa sababay in kiiska mar kale oo seddexaad dib loo dhigo ilaa Maarij 15 2021.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Kenya xaq ma u yeelaneysaa in codsigeeda la tixgeliyo seddex mar? Sida aan horay u xusnay, haddii dhinac kamid ah dhinacyadda doodu u dhexeyso ka maqanyahay goobta dhageysiga, maxkamadduna maleyneyso in xukunka aanu aqbaleyn dhinaca ka maqan dhageysiga dacwada maxkamadda suurgal in ay kiiska xukunkiisa ku dhawaaqdo.

Ugu danbeyn inagoo ku xisaabtamayna awoodaha maxkamadda sidoo kalana eegeyna xaaladda uu dalkeena ku jiro waxaan soo jeedineynaa in kiiska badda dhamaan dhinacyada siyaasada ku lugta leh mucaarad iyo muxaafadba aanan loo adeegsan kiiskan dano siyaasadeed haddii ay ahaan laheyd in xukuumadda xilka heyso cadaadis lagu saaro amaba xukuumadihii ka horeeyay xukuumadda xilka heysa ilduufyadeeda looga faaideysto, waayo arinka kiiska badda waxa uu taabanayaa jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed oo haatan u baahan hiil iyo tabantaabyo.

Mohamed Daahir Aweis

Master of International Relations & Diplomacy