“Waxaan dhibbane u noqday WhatsApp-ka la jabsaday waana naxsanahay hadda”

Bishii April, Faustin Rukundo ayaa waxaa WhatsApp ka soo wacay nambar uusan aqoonsan.

Wuu qabtay, balse lalama hadlin kaddibna waa lagu damiyay. Wuxuu isku dayay inuu ku celiyo nambarkii balse cedna kama qaban.

Isagoo aan ogaan, ayay taasi saameysay telefoonkiisa.

short presentational grey line

Isgaoo ah nin u dhashay Rwanda oo dibad-joog ah, Mr Rukundo waxaa horayba u haysatay dhibaato. Wuxuu online-ka baaray nambarkii wuxuuna furaha nambarka noqday Sweden.

Wuu la yaabay. Balse markiiba wuu iska illaaway.

Nambarkii ayaa mar labaad soo wacay. Mar kale cedna lama hadlin.

Waxaa sidoo kale jiray nambarro dhowr ah oo laga soo wacay kuwaasoo uusan aqoonsan, wuxuuna bilaabay inuu ka walwalo badqabka qoyskiisa, sidaas daraaddeed wuxuu soo iibsaday telefoon cusub.

Maalin gudaheed, nambarkii aan la garaneyn ayaa soo wacay.

“Waxaan isku dayay inaan qabto wayse igu damiyeen kahor intaanan cod maqlin,” ayuu Mr Rukundo u sheegay BBC.

“Mar walba oo nambarkii dib u waco, cedna kama jawaabto. Waxaan ogaaday inay wax khaldan yihiin markii aan arkay feylal telefoonkeyga ka maqan.

“waxaan la hadlay saaxiibbadeyda Rwanda National Congress waxayna ii sheegeen inay dhacdadaas oo kale la kulmeen. Waxaa soo wacayay isla nambarrada aniga isoo wacayay.”

Bishii May uun ayuu Mr Rukundo aqriyay warar ku saabsan WhatsApp la jabsaday, markaas ayuu garwaaqsaday waxa dhacay.

“Waxaan markii hore ka aqriyay BBC sheeko ku saabsan WhatsApp la jabsaday waxaana iri ‘wow, tani waxay sharraxaad ka bixineysaa waxa aniga igu dhacay’,” ayuu yiri.

“waxaan beddelay telefoonkeyga waxaana gartay khaladkeyga. Waxay raacayeen nambarkeyga waxayna aalad basaasnimo ah ku xirayeen telefoon walba oo aan soo iibsado iyagoo isla nambarkii soo wacaya.”

Muddo bilooyin ah Mr Rukundo wuxuu ogaaday in isaga iyo saaxiibbadiis ay ka mid yihiin dad lagu qiyaasya 1,400 oo qof oo ay bartilmaameedsadeen weeraryahanno WhatsApp-ka ah.

Balse toddobaadkan gudhiisa ayaa arrintaasi loo xaqiijiyay kaddib markii laga soo wacay Citizen Lab oo ku yaalla Toronto.

Muddo lix bilood ah, ururka ayaa la shaqeynayay Facebook si baaritaan loogu sameeyo WhatsApp-ka la jabsaday iyo cedda ay saameysay.

Baarayaasha ayaa yiri: “Citizen Lab ayaa ogaatay in ka badan 100 kiis oo tacaddiyo ah kuwaasoo lagu bartilmaameedsado difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo weriyeyaal ku kala sugan ugu yaraan 20 dal oo dunida ah.”

short presentational grey line

In Mr Rukundo uu mucaarad ku yahay dowladda Rwanda waxay muujineysaa dadka sidaasoo kale ah ee aaladdan basaasnimada loo adeegsado.

Waxaa la sheegay in aaladdaasi ay soo saartay shirkadda fadhigeedu yahay Israel ee NSO Group, isla markaana ay ka iibisay qaar ka mid ah dowladaha caalamka.

Dadka wax jabsada ayaa aaladdan u isticmaala weriyeyaasha, dadka difaaca xuquuqda aadanaha, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo diblomaasiyiinta ku nool meelo kala duwan oo dunida ah.

Mr Rukundo ayaa sheegay inaan weli la soo wicin tan iyo wixii ka dambeeyay markii telefoonkiisa la jabsaday, balse wixii uu la kulmay ayaa sababay in qoyskiisa ay walbahaaraan.

Mr Rukundo ayaa ka qaxay Rwanda sanadkii 2005 kaddib markii dad dowladda cambaareeya xabsi la dhigay. Wuxu u dagaallamay in xaaskiisa la sii daayo kaddib markii la afduubtay lana haystay muddo labo bilood ah, mar ay booqasho ugu tagtay qoyskeeda sanadkii 2007.

short presentational grey line

Facebook, oo ah milkiilaha WhatsApp, ayaa isku dayaya inuu dacweeyo NSO Group.

NSO Group ayaase beeniyay inay wax khalad ah sameeyeen.

Facebook ayaa ku eedeeyay shirkadda inay dhibaato ka dhex abuurtay WhatsApp.

App-kan ayaa waxaa isticmaala qiyaastii 1.5 bilyan oo qof oo ku nool 180 dal.

Aaaladda awoodda badan ee Pegasus waxaa soo saartay shirkadda NSO Group, waxayna telefoonnada kala soo bixi kartaa dukumentiyada muhiimka ah.

Waxaahadda kahor jirtay in dadka qaar lagu siray inay soo dejistaan aaladdan, iyagoo isticmaalaya lifaaqyo loo soo diray.

Balse jabsashada WhatsApp, Facebook ayaa sheegay in aaladdaasi la dhex dhigay telefoonnada dadka iyaga oo aan waxba sameyn.

Missed calls on one genuine victim's phone.Lahaanshaha sawirkaCITIZEN LAB

Dhibbanayaasha ayaanan ogaan in teelfoonkooda la jabsaday. Mararka qaar waxay keliya ka war helaan nambarro dhowr ah oo soo wacay.