Weerar ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degaanka Taabta oo hoostaga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Taabta ee dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhigyada ay ku sugan yihiin la weeraray.