Wiil xog kashaaciyay qaabka xalane loogu dhex dilay Almaas Elman oo xabsiga xalane ladhigay

Wiil ay gaariga wada saarnaayeen Galabta Almaas Elman ayaa caawa maqribkii xabsiga loo taxaabay kadib Ciidamada Amniga Soomaaliya ay ka qabteen Xerada Xalane.

Waxa uu sheegay Siciid Fadhaaye in dhabtiisa ay ku dhacday markii rasaasta lagu furay gaariga ay la socdeen.

Siciid ayaa ku sheegay weerar lagu soo qaaday oo rasaas wiifto ah aysan aheyn,ayna Dhabtiisa ku dhimatay Almaas.

Saacad ka hor ayuu Qoraalkaan soo geliyey Bartiisa Facebook hase ahaatee salaadii maqrib kadib ayuu qoraal kasoo dhigay Bartiisa ku sheegay in Saldhga Booliska Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu Xiray.

Waxa uu saluugay in isaga mudneyn xarig oo kuwii hujuumka soo qaaday ay xarig iyo sharciga la horgeeyo mudnaayeen.

Waxaa Caawa baaritaan xoog leh uu ka dhex socdaa xerada xalane kadib dilkii Galabta Halkaasi loogu geystay gabar dhinaca Diblomaasiyada ka shaqeyn jirtay oo la yiraahdo Almaas Elman.