Xaalka magaalada Kismaayo oo caawa aad u kacsan iyo dilal dhowr ah oo kadhacay

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Caawa halkaasi lagu dilay 3 Qof iyadoo lasoo sheegayo in xaaladu cakiran tahay.

Koox hubeysan ayaa Toogtay Seddexdaan Qof oo midkood ahaa Ganacsade caan ka ahaa Kismaayo laguna magacaabi jiray Cawil Cali Barre.

Lama oga cida dilkaasi fulisey,balse ciidamada Amniga Jubbaland ayaa bilaabay Baaritaano ay ku raad joogaan kooxda dilka fulisey.

Dilalka loo geysanayey Dadka ganacsatada iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa kusii kordhayey Bilihii dambe Magaalada Kismaayo.

Ragga la dilay Caawa waxay ku beel yihiin Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,sida ay inoo xaqiijiyeen Ehelada dadka la laayey.