Xabad Joojin KMG ah oo loogu baaqay Ciidamada Itoobiya iyo xoogaga Tigrey

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo maamulka Gobolka Tigrey ayaa wali ka socda qeybo badan oo kamid ah gobolka Tigrey, dagaalka ayaana dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobaha ay dagaalada ka socdaan ayaa lagu soo waramayaa in dad badan oo shacab ah ku go’doonsan yihiin, dadkan ayaana u baahan gar gaar bini’aadanimo iyo fursad ay goobahaasi uga baxsadaan.

Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Tigray inay gaaraan heshiis xabad joojin ah oo kumeel gaar ah si loogu gurmado dadka go’doonsan.

Waxa ay sheegtay Hay’adda UNHCR in loo baahan yahay in loo naxo dadka shacabka ee go’doonsan si loo gaarsiiyo gar gaar bini’aadanimo sidoo kale helaan fursad ay goobo nabad ah ku gaaraan.

Dowlada federaalka Itoobiya ayaa horey u diiday in heshiis xabad joojin ah la gasho maamulka Tigrey, waxa ayna dowlada ku hanjabtay in awood ciidan u adeegsaneyso xoogaga hubeesan ee Tigrey.