Xafiisyada Dawlada oo albaabada shaqada iska xirtay & xaalka ka jirta Muqdisho

Khilaafka udhaxeeya Madaxweynaha & R/wasaaraha ayaa lasoo warinayaa inuu cuuryaamiyey hay’adihii shaqada dawlada marka loo eego muranada siyaasadeed ee soo kala dhex galay.

Madaxweyne Farmaajo & R/wasaare Rooble ayaa mid walba waxa uu sheeganayaa in awooda dalka sharci ahaan isaga maamulayo.

Inkastoo shaqooyinka ay socdaan hadana shaqaalaha dawlada ayaa saameyn uu ku yeeshay Khilaafka madaxda sare oo xitaa xafiisyadii wada shaqeynta lahaa aysan hadda is daaqulin ama xiriir fiican ka dhex jirin.

Siyaasiga Maxamed Nuur Qalimoow oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee madaxda soo kala dhex gashay ayaa ku taliyey inaan lagu mashquulin dib uheshiisiin laga dhex abuuro Farmaajo & Rooble.

Waxa uu siyaasiga sheegay in xalka keliya ee dalka lagu samata bixin karo uu yahay in doorashada la dar dar geliyo si loo saxo khaladaadkii jirayna shirka golaha wadatashiga qaran lagu soo bandhigo.