Xamaas oo ciidamada Israa’iil isaga dhigtay ‘haween shukaansi doon ah’

Tobannaan askari oo ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa lagu sameeyay khiyaano telefoonnadooda lagu jabsaday kaddib markii xubno ka tirsan ururka Xamaas ay isaga dhigeen haween shukaansi doon ah, sida ay sheegeen Taliska Milatariga Israa’iil.

Afhayeen u hadlay milatariga ayaa sheegay in askarta loo soo diray sawirro muujinaya haween da’ yar kaddibna lagu siray inay soo dajistaan(download) barnaamij app ah, iyagoo aan ogeyn in sidaas lagu galay xogta telefoonnadooda gacanta.

Wuxuu afhayeenka intaas ku daray “inaan macluumaad badan la jabsanin” ka hor inta aan weerarkaas la fashilinin.

Kooxda Xamaas, oo maamusha Marinta Gaza iyo Israa’iil ayaa isu arka inay cadow weyn isku yihiin.

Waa isku daygii saddexaad ee ay Xamaas ku damacdo inay telefoonnada ciidamada Israa’iil ku jabsato dhowrkii sano ee ugu dambeeyay gudahood, laakiin kani wuxuu ahaa kii ugu weynaa sida uu qabo labo xiddigle korneyl Jonathan Conricus.

“Waxaan dabcan u jeednaa inay sii baranayaan ciyaartooda, siina hormarinayaan”, ayuu yiri.

Korneyl Conricus wuxuu sheegay in dadka taleefannada jabsaday ay iska dhigeen dumar da’ yar oo sheeganaya inay yihiin dad qaxooti ah ama ay dhibaato ka qabaan xagga maqalka ama aragtida, si ay ugu muuqdaan dad aan laga shakinin.

Kaddib markii ay la saaxiibeen, “haweenka” waxay askarta usoo dirayeen lifaaqyo ay sheegayeen inay u sahlayaan sidii ay sawirradooda ku arki lahaayeen, laakiin sida dhabta ah waxay lifaaqyadaas askarta telefoonnadooda ku soo xawilayeen virus sahlaya in la jabsado qalabkooda, haddii ay telefoonno yihiin iyo haddii ay kumbuyuutarro yihiinba.

.Lahaanshaha sawirkaEPA

Waxay qolyaha telefoonnada jabsaday markaas ogaan karaan xog badan oo ay ka mid yihiin meesha uu askariga joogo, sawirradiisa iyo dadka kale ee uu la xiriiro.

Xitaa sidoo kale waxay awood u helayaan inay telefoonnada maamulaan kuna qaataan sawirro iyo inay codad ku duubtaan iyadoo qofka milkiilaha ah uusan ka warqabnin.

Korneyl Conricus ayaa sheegay in waaxda difaaca ee Israa;iil ay arrintan ka war heshay dhowr bilood ka hor laakiin ay ka iska dhaaftay iyadoo dusha kala socota, markii dambena ay gacanta ku dhigtay.

Wasaaradda difaaca ayaa horay ciidamada uga digtay waxyeello noocaas ah, waxayna ku boorrisay inay feejignaadaan marka ay telefoonnadooda casriga ah isticmaalayaan.

Waxay usoo saartay hannaan ay isaga ilaaliyaan isku dayada la xiriira in la jabsado xogtooda.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa iskula jira dagaal aan dhammaad lahayn labada dhinacna waxay heystaan sirdoon midba midka kale ku maqan, taasoo qeyb ka ah cadaawaddooda socota.