XAQIIQ: Taliyeyaal Xilalkoodii Ku waayey inay La Safteen General Saadaq Joon

Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa xilka qaadis ku sameeyey Saraakiil ka ag dhawaa General Saadaq Joon Saacadihii lasoo dhaafay.

Maxamuud Jeego oo ahaa Kuxigeenka Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa xilka laga qaaday maadaama uu aad ugu dhawaa Saadaq Joon iyadoo booskiisa la geeyey Siciid Baryare,kaas oo hore u ahaa taliyaha saldhiga Booliska Wadajir.

Saraakiisha xilka laga qaaday oo aan Xilal loo magacaabin waxaa ka mid ah,Taliyihii Qeybta Galbeed Yuusuf Xundubeey Jimcaale,kaas oo lagu eedeeyey in xalay uu la joogay Saadaq joon.

Sidoo kale Taliyihii Booliska Degmada Howlwadaag Shuceyb Cabdi Maxamuud ayaa isna xilka laga qaaday waxaana weli xil loo magacaabin.

Taliyihii saldhiga Booliska Waaberi Maxamed Cabduqaadir Mooshin ayaa isna xilka qaadis la kulmay mana jirin xil loo magacaabay.

Axmed Cabdullaahi Baashane (Calooley) oo ahaa Taliyaha Booliska Shibis ayaa loo bedelay Saldhiga Booliska Waaberi.

Farxaan Jaraay oo ka mid ahaa saraakiisha Saldhiga Yaaqshiid ayaa laga dhigay Taliyaha cusub Ee saldhiga Booliska wadajir.

Taliyaha Cusub ee Saldhiga Booliska degmada Shibis waxaa loo magacaabay Farxaan Axmed Xasan,booskaasi waxa hore ujoogay Taliye Axmed Baashane.

Najiib Carab oo ahaa taliyaha Booliska Degmada Dayniile ayaa loo wareejiyey Xilka Saldhiga Booliska Howlwadaag,iyadoo Booska Qeybta Galbeed loo magacaabay Cali Goof isagoo bedelay Yuusuf Xundubeey.

Mooshin iyo Shuceyb oo Waaberi iyo Howlwadaag Xilalka ay ka hayeen laga qaaday waxa iyagu loo heystaa Kiiska dilkii gudoomiyihii Degmada Hodan C/xakiin dhega juun inay abaabuleen.