XASAASI: Suldaanka wasiir Dubbe oo raalligeliyay Mucaaradka, Imaaraadka, P/land iyo J/land

Suldaanka guud Boqor Cismaan Buurmadow ee beesha uu ka soo jeedo wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda FS Cismaan Abuukar Dubbe hadallo siyaasadeed oo ka soo yeeray oo ka dhan ahaa Dowlado shisheeye sida Imaaraadka, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.

“Raaligelin Baan ka Bixinayaa Hadallada Wasiir Cismaan Dubbe ee uu ku duray dawlada imaaradka oo ka mid ah dawladaha horumarinta Somaliland ka shaqeeya aad baan uga xumahay in uu maago isaga oo magac reer sita oo aan magac dawladeed sidan, Anaa Odeygiisi iyo Madaxdhaqameedkiisi ah raaligalina waan ka bixinay hadaladaasi” ayuu yiri Boqor Buurmadoow.

Boqor Cismaan Buurmadow ayaa sidaasi ku yidhi wareysi aan la yeeshay sidoo kalena wuxuu raaligalin ka siiyey Musharaxiinta Mucaaridka Soomaliya, Maamulada Jubbaland, Puntland, Dawladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya hadaladii uu ku duray dhinayacadaasi kala duwan Wasiirka Warfaafinta Soomaliya Cismaan Dubbe.