XASAASI: Taliye Xijaar oo hor istaagay Arin murashaxiinta qaar uga soo baahdeen

Badweyn ayaa heshay xog ah in laga hor istaagay murashaxiin doonayey inay utartamaan xildhibaanada federaalka oo raadsaday warqada dembi la’aanta ay waayeen.

Amar kasoo baxay Taliyaha booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa war geliyey hogaanka waaxda dembi baarsita C.I.D-da inaysan dhiibin warqada ay murashaxiinta udoontaan.

Shakhsiyaad dhowr ah oo tegay Xerada C.I.D-da Muqdisho oo raadinaya sanadkaan Xildhibaanimo ayaa la war geliyey inaysan hadda heli karin warqada ay raadinayeen.

Saraakiisha qaar ee Xaruntaasi ka howlgasha waxay sheegeen in amar sare lasoo siiyey sidaa awgeedna aysan ogeyn xilliga lasoo fasixi doono.

Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay taliye xijaar uu kaga hadlayo arintaan lagu eedeeyey ee murashaxiinta Xildhibaanada ku hor istaagay maadaama ay warqadaasi raadsadeen.

Qofka aan heysan warqada dembi la’aanta ah kama mid noqon karo tartamayaasha oo murashax walbo qasab ku ah arintaas sida habraaca lasoo saaray ay qeyb ka aheyd.