XASAASI: Villa Soomaaliya Oo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Maanta Xareysay

Dawlada Federaallka Soomaaliya ayaa waxay maanta qaaday tallaabo kale oo sii murjin karta walaacii Murashaxiinta madaxtinimada Soomaaliya qabeen.

Mucaaradka ayaa u arka mid san duleys Villa Soomaaliya u rabto in doorashada ku qabato oo Madaxweynaha lagu soo celiyo Xukunka.

Iyagoo ka qeylo dhaaminaya Guddiga Doorashada Heer Federaal La magacaabay ayey hadana Dawlada Soomaaliya maanta oo Isniin ah xareysay si ay tababar doorashada iyo habraaceeda uqaataan.

Xubnaha Guddiga Doorashada heer Federaal,Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Kuwa dhanka Soomaaliland laga soo xulay ayaana ka qeyb ah Tababarka ka furmay Hoteelka Decale Ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku yaalla.

Maamulada Jubbaland & Puntland weli ma aysan soo magacaaban Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer federal islamarkaana lama oga sida ay xaaladu noqon karta.