Xasan Sheekh Maxamuud: “Saraakiisha ku dhimatay qaraxa waxa ay naftooda u hureen Dalka & Dadka”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal usoo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu uga falceliyay qaraxii ismiidaamin ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Saldhigga Degmada Waaberi.

Saraakiisha, Askarta & Shacabkii ku dhintay qaraxaas waxa uu alle uga baryay in uu u naxariisto, halka ku dhaawacmay uu alle Caafimaad degdeg ah siiyo maadaama uu gaba-gabo yahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Saraakiisha iyo Askarta ku dhimatay & kuwa ku dhaawacmay qaraxaas ku tilmaamay in ay naftooda u hureen Dalka iyo Dadka, waxaana ugu dambeyn uu ku baaqay in si wadajir ah looga qabygalo sugidda amniga.

Qof watay Jaakad walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa ku qarxay Saldhigga Degmada Waaberi, 6-ruux oo labo kamid ah ay yihiin Saraakiil Booliis ayaa ku geeriyootay sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 6-kale sida uu sheegay Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed.