Xil Mustaf Dhuxulow oo Tacsi ugu tagay Qoyska Gabadhii dilka iyo Kufsiga la isugu dara (Daawo Sawirada)

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Wehliyaan Jeneraal Cabdullaahi Bariise iyo Gudoomiyaha  Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa tacsi ugu tagay qoyska gabadhii dhawaan kufsiga iyo dilka loogu geestay Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa ugu horey uga tacsiyadeeyay qoyska Xamdi Maxamed Faarax Geerida naxtinta leh ee ku timid gabadhooda, waxa uuna sheegay in falkaasi ahaa mid ka argagaxeen dhamaan bulshada Soomaaliyeed ka Xildhibaan ahaana aad uga damqaday.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in falka gabadhan yar lagula kacay uu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin , waxa uuuna ugu baaqay Hay’adaha amaanka iyo cadaalada dalka in ay soo qabtaan ayna ciqaabta ay mudan yihiin marsiiyaan dadkii falkaasi geestay.

”Ugu horeyn Waxaan tacsi u dirayaa Qoyskii iyo dhamaan asxaabtii ay ka baxday Xamdi Maxamed, waa dhacdo xanuun badan oon la aqbali karin waxa gabadha ku dhacay, waxaana ka shaqeeneynaa sidii gabadhaasi cadaalad u heli laheyd” ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow.

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow oo ah Xildhibaan inta badan bulshada Soomaaliyeed arimahooda u dhaq dhaqaaqa aadna u caawiya ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee taga guriga gabadhii sida arxan darada ah loogu dilay Muqdisho ku nooleed, waxa uuna kamid yahay Xildhibaanka dadka sida weyn u raadinaya in gabadhaasi cadaalad hesho.