Xildhibaan lagu dilay Shalay Kismaayo Oo laga helayo Xogo Xasaasi Ah (Akhriso)

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Xildhibaan Maxamed Yare Gacmeey.

Marxuumka Oo katirsanaa barlamanka Jubbaland ayaa la sheegay in ka hor dilkiisa uu la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wasiir Dhuumaal.

Maxamed Yare Gacmeey Oo katirsanaa Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa uu kasoo jeeday Gobolka Gedo dhowr Jeerna uu ka dhiidhiyey dilal dad reer Gedo ah loogu geystay Kismaayo.

Kulankii shalay axadii Dhacay ayaa Gacmeey lagala hadlay Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ee qaarkood kuraastooda taalla Garbahaareey la geeyo Kismaayo balse uu ka biyo diiday.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo Cali Jubba ayaa sheegay in dilka Marxuum Maxamed Yare Gacmeey ay ka dambeeyeen Axmed Madoobe iyo Yuusuf Dhuumaal.

Ma jirto war kasoo baxay Maamulka Jubbaland ay iskaga difaacayaan eeda loo soo jeediyey ee ah inay dileen Maxamed Yare Gacmeey.

Soomaaliya ayaa xilalka la iska dishay mararka qaarkoodna hadii laguu arko inaad Siyaasad ahaan isku qabtaan qof kaa sareeya ayaa amra in lagu khaarajiyo.