Xildhibaan u soo kireysatay 8 qof iney u galaan imtaxaankeeda jaamacadda

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Bangladesh ayaa laga ceyriyay jaamacad ay dhiganaysay ka dib markii ay kireysatay 8 qof oo imtaxaanka u gala,sida ay sheegeen saraakiisha jaamacadii ay dhiganaysay.

8 qof ayay u kireysatay in midkiiba uu hal maado u galo.

Tamanna Nusrat, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee Awami League, ayaa isu diiwaangalisay in ay sameyso shahaada kowaad ee jaamacada.

Kiiskani ayaa soo ifbaxay ka dib markii Sabtidii wariyayaal ka socday telefishin ay kula kalmeen mid ka mid ah dadka loo kiresytay imtaxaanka oo markaasi ku sugnayd goobta imtaxaanka.

Ms Nusrat, oo ku fadhida mid ka mid ah 50 kursi ee haweenka loo qoondeeyay ayay BBC wacday balse kama aysan jawaabin teleefoonka.

Tamanna Nusrat

Telefishinka sida gaarka ah loo leeyahay ee Nagorik TV ayaa ku waramay in ilaa imika la qabtay 13 imtaxaan balse midkoodna aysan xildhiban Nusrat ka qeyb galin.

Ficilka Ms Nusrat ayaa waxaa shaaciyay hormuud ku xigeenka jaamacadda Open, Prof MA Mannan.

Prof Mannan ayaa u sheegay wargeyska Daily Sun in ay magaceeda ka saareen imika diiwaanka jamacadda.

Waxa uu intaa ku daray “looma ogolaan doono in ay mar dambe imtaxaan u fariisato jaamacaadda.”

Prof Mannan ayaa sheegay in guddi jaamacadda ka tirsan ay arrintan darsayaan islamarkana ay eegayan in tallabo sharci laga qadayo xildhibaan Nusrat,shaqsiyaadka u galayay imtaxaanka amaba maamulka jaamacadda.

Ms Nusrat ayaa ah xaaskii uu ka geeriyooday Lokman Hossain, oo a