Xisbiga Wadajir oo eedeyn u jeediyay Madaxda dowladda iyo Ciidanka AMISOM

Warsaxaafadeed Xisbiga Wadajir ka soo saaray xadgudub kii lagula kacay Madaxweyne Shariif, cunaqabataynta Jubbaland iyo weerarkii Alshabaab ku qaadeen Xerada Saliini ee duleedka No.60.

Xisbiga ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay taageero ka helayaan Ciidanka AMISOM si loo caburiyo dad kasoo horjeedda.