XOG: Aamusnaanta Sheekh Shariif Ee Xaalada Doorashada

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu maalmahaan ka caagay saxaafada horteeda iyo Shirarka siyaasada.

Xubno katirsan Himilo qaran ayaa ka gaabsaday ka hadalka waxyaabaha hoos udhigay ololaha Doorashada ee Shariifka.

Badweytims ayaa ogaatay in kala Shaki soo kala dhex galay dhinacyada Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha.

Dadka Siyaasada rog roga ayaa ku tilmaamay Arinta Shariif inay tahay falsafad cusub si uu uqiimeeyo Xaalka kadibna xildhibaanada markii la doorto uu olole xoog leh sameeyo.

Qolo walbo waxay gaar urabtaa inay hesho Kuraasta xildhibaanada cusub si xisbigooda ay guul ugu hogaamiyaan.

Shariifka ayaa ah ninka keliya uu Farmaajo u arkayo mid tartan adag la geli kara Xukunka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre ayaa fiiladooda Siyaasadeed uxiran tahay waxaana muuqata in isbaheysi adag inay sameysteen.