XOG: Abaabul ka dhan ah Waare & Cali Guudlaawe oo ka socda Jowhar & Baladweyne

Abaabulka Banaanbax looga soo horjeedo madaxda ugu sareyso maamulka Hirshabeelle ayaa ka socda magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne oo ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Dadka Banaanbaxa abaabulaya ayaa inoo sheegay iney u adkeysan waayeen waxqabad la’aanka maamulka Hirhabeelle iyo fashilka ku yimid howlihii loo admaday,waxayna sheegeen iney doonayaan isbedel ku yimaada hoggaanka ugu sareeya maamulka Hirshabeelle.

Madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabeelle ayaa ku fashilmay sugida amniga deegaanada Hirshabeelle iyo adeegyadii dhinaca horumarinta ee looga fadhiyay.

Wararka ayaa intaas ku daray, Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa wada mooshin xil ka qaadis loogu sameynayo madaxweynaha maamulkaas Maxamed CabdI Waare.

Sidoo kale, waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Waare iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle,kaas oo salka ku haya awoodda maamulka.