XOG: Amniyaadkii Ugu Badnaa Ee Al-shabaab Oo Soo Galay Muqdisho&amiir caan ah oo hogaaminaayo

Xog hoose oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in magaalada Muqdisho ay soo galeen amniyaadkii ugu badnaa ee Kooxda Al-shabaab.

Ilo sirdoon ayaa inoo sheegay in ku dhowaad 120 ka mid ah xubnahaasi ay soo galeen Muqdisho, iyaga iyo waliba hubkooda.

Hay’adaha ammaanka ee DFS ayaa wada baaritaanno xooggan oo ku aaddan arrintan, islamarkaana raba iney ka hortagaan.

Amniyaadka ayaa ah kooxda Al-shabaab kuwa u qaabilsan dilalka lagu fuliyo Bistooladaha, wallow maalmihii dambe aad looga nabad qabay.