XOG: Beelaha Habargidir oo ku kala qeybsamay dhismaha Maamulka Galmudug & Qorshaha DF

Odayaasha dhaqanka Beesha Habargidir ayaa ku kala qeybsamay dhismaha maamulka Galmudug iyo guddiga doorashada dhawaan ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Odayaasha Beesha Saleebaan ka soo jeeda oo ku shiray magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa dhaliilay hanaanka ay Dolwadda Federaalka ay u wajaheyso hannaanka dib u heshiisiinta iyo dhismaha maamulka Galmudug,waxayna ku baaqeen in marka hore Dowladda islaax dhex dhigto Beelaha tirada badan ee ay ka kooban tahay Galmudug.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Ceyr ayaa dhankooda sheegay ineysan ku qanacsaneyn siday hadda wax u socdaan jeclaan lahaayeen in wax laga bedel haddii ay suurta gal tahay.

Dowladda Federaalka ayaa u muuqata iney xoog u adeegsaneysa dhismaha maamulka Galmudug,islamarkaana dooneyso iney soo saarato musharax iyadu hayin u ah oo si weyn u taageersan.

Maamulka Ahlu sunna oo laf dhuun gashay ku noqday Dowladda kuna horgudbanaa dhismaha maamulka ayaa hadda laga itaal roonaaday,waxaana hannaanka dhismaha Galmudug oo dhammeystiran gacanta u galay Dowladda.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Galmudug oo isbedelka dhacay ka hadlay ayaa ku baaqay xasilooni siyaasadeed Galmudug-na laga soo saaro maamul loo dhan yahay.