XOG Culus:Sii deynta wasiirka Amniga Jubbaland oo lagu xiray 3 Shuruud oo aad u adag(maxaa kamid ah)

Waxaa muddo 10 cisha ah Magaalada Muqdisho ku xiran wasiirka amniga ee maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) oo dowladda federaalka ay ka qabatay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, xilli uu ku sii socday dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiiin ka tirsan dowladda federaalka ookal hore ka hadlay xarigiisa aya sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan eedeymaha loo jeediyay, maxkamad na la soo taago doonaa.

Hasayeeshee maamulka Jubaland oo dhawr shir ka yeeshay xariga wasiirka amniga ee Jubaland ayaa sheegay in tallaabadaas ay tahay mid sharci darro.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wafdi isugu jira odayaal, ganacsato iyo aqoonyahano ay tageen Muqdisho, si dowladda federaalka ay uga la hadlaan siideyntiisa, balse la hor-dhigay shuruudo dhowr ah.

” Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee ciidanka daraawiishta Jubaland soo wareejiya,dowladaha deriska ha la macaamilina, Jubaland doorashadeedi ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay “, ayu BBC-da u sheegay Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka oo aan sheegin cidda ka tirsan dowladda federaalka ee ay la hadleen Jubaland ayaa intaasi ku daray in marnaba aysan aqbali karin oo taas ay ka dhigan tahay in ciidammadii Jubalanad ee Al Shabaab la dagaalamayay la kala diro.

Dowladaha deriska ayuu sidoo kale sheegay inay ka wada shaqeeyaan ammaanka labada dhinac,dalabkas na uusan macquul ahayn.

Xaaladda Cabdirashiid ayuu sheegay in aysan ka warheynin oo aanay garaneyn xaaladiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Runtii Cabdirashii aad ban uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo mudo 30 daqiiqa ah habeen saqdhexe ay tuseen”,ayuu raaciyay.

.Lahaanshaha sawirkaJUBBALAND TV
Image captionMaxamuud Sayid Aadan

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in aysan jirin dad uu Cabdirashiid gacantiisa ku dilay oo 15 kii sano ee la soo dhaafay ay soo wada galeen dagaalo badan oo ay Al Shabaab kaga xoreyeen deegaano badan, balse ay jiraan dad is uruursaday oo ka dacwooday maxkamadda gobolka Banadir xiligii dowladii Xassan Seekh.

“Horta Cabdirashiid cid uu gacantiisa ku dilay ama ku eedeneyso ma jirto, haddii ay dagaalo dhacayaan ama Magaalo la qabtay ha ahaato ama dad la tuhmay ha ahaato, khaladaad way dhacayaan, khaladaadka dadkii sheegtayna inbadan oo kamid sida nidaamkii aan degsanay ba waa la xaliyay “, ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Eedeymaha ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayay BBC-da isku dayday inay wax ka weydiiso mas’uuliyiinta dowladda federaalka, balse nooma aysan suurtagelin in aan helno qof ka tirsa dowladda.

Eedeeymaha loo heysto Cabdirashiid Janan

Cabdirashiid Janan dadka dhaleeceeya waxa ay ku eedeeyaan inuu gacan bir ah ku qabto dadka maamulkiisa ka soo horjeesta amaba su’aal galiya sida uu wax u maamulo.

Waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid “in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa”, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay “in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay”.

Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan “looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.

“Waxaa ka mid ah carqaladeynta kaalmada bini-aadamnimo,” ayuu yiri Agaasime ku xigeenka hay’adda Amnesty International ee Bariga Afrika, Seif Magango.

“Xarigga Cabdirashid Janan waa tallaabo muhiim u ah isla xisaabtanka la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee muddada sanadaha ah la geysanayay iyadoo ciqaab aysan marin kuwii ka dambeeyay ee ah dadka awoodda leh ee Soomaaliya”, ayuu yiri Seif Magango.

“Baaritaanka iyo maxkamadeynta Cabdirashiid Janan waa in ay horseedaan xilli ay cadaalad helaan dadka dhibanayaasha ah ee xuquuqdooda aadanaha lagu tuntay iyo qoysaskooda ku sugan Soomaaliya”, ayuu hadalka ku sii daray.

.Lahaanshaha sawirkaJUBBALAND TV
Image captionMaamulka Jubaland ayaa sheegay in xariga wasiirka uu yahay sharci darro

Hay’adda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixinnadoodii 2016 iyo 2017 ku eedeeyay Cabdirashiid Janan “Xadgudubyo halis ku ah xuquuqda aadanaha”.

Sidoo kale waxay la xiriiriyeen “Abaabullidda carqaladeyn ka dhan ahayd kaalmada bini-aadamnimo” muddadii u dhexeysay 2014 iyo 2017.

Dhammaan eedahaasi Cabdirashiid Janan gaashaanka ayuu u daruuray wuxuuna sheegay inay warar aan jirin buunbuubinayaan dadka diiddan sida wanaagsan ee uu wax u maamulo, inta badanna dadka deegaannada uu ka taliyana ay isaga taageersan yihiin.

Maxkamadda gobolka Banadir ayaa doorashadii Jubaland kahor soo saartay warqad lagu sheegay in Cabdirashii laga cafiyay eedeymihii loo heystay.